War horta ninyahaw anigu waan jeclaadaye
Gabadhbaan jeclahay oo i jecel, mana jeclaadeene
Haddii ay i jeclaatana ma rabo inaan jeclaadaaye
Ninkii ay jeclaatana la waa inuu jeclaadaaye
Kii aan jeclayn waa iyadu inay jeclaataaye
Jacaylkagya iyo keedu waa laba jeclaadoone
Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye
Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye
Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye
Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye
Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye
Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye
Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye
Wadaaddaanse jeclaadee dharraar macawsta i siisay
Gurigeeda waagaan tegee ay shaaha ii karisay
Haasawaheedii kolkuu sooba madhan waayey
Feedhka iyo tantoomada sideer uguma boobeene
Kolkay qaad i siinweydey ayuu mawdku ka adeegay.
Ninkii dumar jeclaadaase wuu yara ammaantaaye
Adna waxaaban kuu soo fekeray hadallo dhaadheere
Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne
Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxullo meygaage
Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e
Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye
Guurna waaban kaa doonaya sidaa dharraatiiye
Timahaygu siday yihiin eed cirrada moodo
Duqdnimiyo gabow igama aha oo wayska dhalankaye
Adiguna carruurbaad tihiyo sida dhallaankiiye
Isku qayrna waa nahay anuun baa laba Gu! kaa weeyne
Sanadkii Daraawiishtii baan dhoocillo ahayne
Dhallinyaro inaan nahay dadkuba waa ogsoonyahaye
Inan iyo barbaar baan nahaye waan lagaranayne
Raggaa kale juuq ha u odhan aniga mooyaane
Kii kula hadlana waa inaan feedh ka badiyaaye
Haddii layga kaa dhaco waxbaan sahayan doonaaye
Dameer dhagaxa waa inaan gurtoo qaylo kiciyaaye
Naagtana ka iga qaada waa inaan ka dhuuntaaye
Ninuu ciil lafaha buuxiyoo dibinta ruugaaya
Oo luqanta hoogaamiyo gegi xarriiqaaya
Haddii kii xumaantaa ku falay weliba maad maagtid
Sidii laba digaag sow ilkaa layska cuni maayo.
Sidii baasto ciir lagu daray oo faanto lagu qooyey
Ama badar galey oo hadhuudh lagu madoobeeyey,
Ama habar yaroo toban jiroo naasku dhagaxoobay,
Oo daasad wadato oo xarago dhan isu tuureysa,
Quruxdeedu waa sida nal iyo booc tubaako ehe.
Geesiyadna way tahay ilayn sharafku waa saase,
Ma cabsato oo hooyadeedna way la dirirtaaye,
Cayda iyo dagaalka gabdhaha way ka badisaaye,
Ninkii la hadla way taqaan inay dacwaysaaye.
Sidii kaneecaday uga baqaan derisyadooduye,
Reeraha ashuunkooduna way jabin taqaanaaye,
Qofkii maaga iyo naagahay timaha jiiddaaye,
Gabadhaa intaa caanshaqay baan meeday leeyahaye,
Ninkii iga jeclaadaan rabaa in aan budheeyaaye,
Amaanteeda maba sheegi karo caawo oo qura e.
Waa sida macaan iyo qaraar laysku soo daraye,
Ama caano qaat iyo basbaas ay ku kariyeene,
Deganaanta laafyaha kolkay jagac ka siinayso,
Bushkuleeti nimaan fuushaneyn gaari kaari waaye.
Sidii habar sarwaal qaadatey oo laad ku kicineysa
Gabay fiican oo fiican baan anigu sheegaaye,
Reer magaal iyo reer baadiyuu ficil dhex joogaaye,
Kolkuu shaararkii kaa gurto oo lacagna kaa qaato
Maxaad dhaqatay buu ku yiraah waayo dabadoode.
Haddey dumarku lacag leeyihiin maba gaboobaane,
Kol hadey qubeys iyo wejiga boodhar ku cadeyso,
Lixdankii sideed baan jiray kugu tiraahdaaye.
Jaceylkana anaa kala bartoo wuu i daashadaye,
Gabdhahay ka daba ku boodayaan lacag ma haystaane
Habar kow iyo boqol haysataa la ogolaadaaye,
Sheekooyinkeedana waa laga dhageystaaye,
Haddey tiraa shan baan diiday waa laga dhagaystaaye,
Haddey tiraa cirkaan taabtay waa laga dhageystaaye,
Haddey tiraa dhulkaan quusay waa laga dhageystaa,
Haddey tiraa baddaan jiiray waa laga dhageystaaye,
Haddey tiraa anaa kaa yar waa laga dhageystaaye.
Gaarinimo kolkey sheegatey muranka dayn waydo,
Waxaa lagu yiraahdaa buloy shaaha inoo kariyoo
Qaxwahay sameysaa hadduu muufo noqon waayo
Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye.
cawrala riyoy anigu waan kugu riyodaye, raarkii hadaad joogto waan kugu riyodaye. hadad suqa roreso wan kugu riyodaye hadad gaari racayso wan kugu riyodaye hadad badarka riqayso wan kugu riyodaye hadad rooti gadanayso wan kugu riyodaye hadad rashin garinayso wan kugu riyodaye aan kugu riyode intaan riyonayo adiguna riyada waad in ad igu riyotaye labada is rabto wa in ay isku riyotaye labadan is rabin wa in ay kala riyodane mid hadu wax rabo waa in uu dhinac u riyodaye labadoda kaan la rabin waa in uu xanaqriyodaye
YOU ARE READING
gabayo jacbur ah abwaan dhoodanby amiir amiin
Fantasyabwaan dhoodaan gabayo jacbur ah