abdihakimsheekh
Mooge iyo Dhaylo. Qaybta 1aad
Hada kahor waxa jirey nin iyo xaaskiis oo daganaa tuulo uu jahligu aad ugu dhex fidey wax aqoon iyo cilmi diineed ahna aan lahayn.
Ninka iyo xaaskiisu waxay ahaayeen kuwo aad u maskax badan, xariifnimada iyo khiyaamayntana aad xaariif ugu ah. Maalin maalmaha kamid ah waxa ay islaamtii waa dhaylo e' usheegtay odaygeedii inay ubaahan yihiin waxooga lacag ah, lagama maarmaana ay tahay inay helaan lacagtaas.
Islaanta oo nuqul dhaantay odayga, ayaa fikrad keento tidhi, "Waa in aad soo ururisaa waxooga shilimaad (lacagta birta ah) kabacdina aad soo kaxaysaa Dameerkeena Digaale" Markii uu odaygii soo ururiyay qadaadiicdii yareyd ayuu u keenay islaantii isagoo Dameerkiina wada. Markasay Ku tidhi "Waa inaad afka kaga gurtaa shilimaadka dameerka, si marka uu ciyaba ay uga soo dhacaan waxooga shilimad ah"
Subaxdii xigay ayay israaceen iyagoo dameerkoodi Digaalana wada waxayna beegsadeen dhankaas iyo Saylda xoolaha nool. Marki ay gaadheen Sayladii ayay usheegeen inay hayaan Dameer marka uu ciyaba Shilimaad afka ka tuuraya! Kaow!
Isla markiiba dadkii goobta kusugnaa ayaa isku qabsi iyo kala boob bilaabay iyagoo mid waliba hunguri kaga jirey iibsiga Dameerka.
Xurguf iyo Xaadi dheer kadib, waxa Dameerki Digaale hantiyay ninkii ugu kharashka badnaa.
Halkii ayaa lagu kala gudoomay.
Waxay sidaas ahaataba, afar caano maal kadib, markii ninkii iibsaday dameerku, ayuu joojiyay shilimaadkii uu sida kumeel gaadhka ah afka uga keenayay waxayna noqotay "Fadlan lacag kushubo oo kale".
Inta uu soo kaxeeyay dameerki, ayuu beegsaday odaygi iyo islaantii hoygoodii.
Markii uu soo gaadhay ardaaga reerka ayuu Ku dhawaaqay, "Hoy!! Guriga ma lajooga?" Durbadiiba Dhaylo ayaa maqashay dhawaqa iyo Sawaxanka kayeedhaya docda reerka.
"Haa, waa lajooga ee waa kuma?" ayay tidhi Dhaylo. "Waxaad tuugo aan ilaahay ka baqayn dameerka sidaan u garaacayay qaylo waa joojin wayay balse shilimaad maleh ee lacagtaydii halaysoo celiyo!" Waxa idhi maskiinki yaraa damerka ibsd