MaxamedGoosh37
103/200
-Nuurka ii baxaad tahay
-Naruurada adduunkee
-Aan ku nafisaad tahay
-Naf i fahmaysaad tahay!
-Nasab kaamilaad tahay
-Nolol aan ku doogsaday
-Nasteexiyo ka helay rays
-Oo i negaysa baad tahay
-Nafar goba naf qaaliya
-Aan nooceeda lagu arag
-Dunidaan ku noolnahay
-Oo nasab ah baad tahay!
-Ruuxa nabar i gaariyoo
-Ila neceb xumaantoo
-Ii jecel si niyadoo
-Nafta ii huraad tahay!
-Nitaaqada adduunkiyoo
-Naxligiyo wareerkiyoo
-Murug ruuxa ila neceb
-Oo nalka ii shidaad tahay!
-Nolol taan ku helay ee
-Ku negaaday baad tahay
-Nud iga midaad tahay
-Naf aan doortay baad tahay.
__________
Magaca heesta: Naf i fahmaysa
Mawduuca heesta: Ammaan+Jacayl
Hummaagga heesta: Jacayl
Cidda ay khusayso: Marwada
Waxaa curiyey: Maxammed Goosh