MaxamedGoosh37
104/200
-Haddaad kala wareegtaan
-Isma oran wareerkiyo
-Waad ku jirin murugadee
-Waxaan lahaa ka naso hawl!
-Waxaa se i dhigay meel
-Jacayl wiiqay waaxyaha
-Oo awgaa wareer baan
-Waayaahan ku suganahay!
-Walbahaarka caashaqa
-Was-waaskiyo lurkaan culus
-Adaa suray wadnaha ee
-Dartaa baan u waalnahay!
-Inkastoon wadnaha faray
-Illoow way ku dhaaftaye
-Waayo markaan adkaystaan
-Wacan dib kuu xasuustaa!
-Ruux aad ku wayn tahay
-Ayaa kugu dul wareegee
-Waxaad bilan ogaataa
-Wadnahayga in aad tahay!
-Waxaan dartaa ku suganay
-Wal-wal iyo dhibaatoo
-Wuxuu beerku doonaa
-Wehelkaagee ii soo noqo!
___________
Magaca heesta: Wuxuu beerku doonaa
Mawduuca heesta: Calaacal
Hummaagga heesta: Jacayl
Cidda ay khusayso: aniga
Waxaa curiyey: Maxammed Gooah
*** *** ***
Jacaylka madow | | The durk love