"Beri hore ayaa waxaa jiray boqor xukumayay dhul degaankiisa iyo dadkiisaba barwaaqa ah ,maalin ayuu u baxay safar dalxiis ah oo uu ku booqnayay masaafooyin fog-fog oo dhulki uu ka talinayay kamid ah. "markii uu kuso noqday khasrigiisii ayuu sheegtay (cabanaayay) in cagtiisa xanuun daran hayo sababtuna tahay markii ugu horreysay uu galo safar dalxiis oo sidaan u fog wadada uu ku safrayna ahayd mid aan sinneyn dhagxaan badana leh. "kadib wuxuu dadkiisii ku amray in dhamaan dhulka uu ka taliyo wadooyinkiisa lagu wada daboolo maqaar, kabaxsan caqliyada waxa ey u baahantahay kumanaan maqaar lo'aad ah iyo in lagu qarash gareeyo lacag aad u fara badan. "marka kadib ayaa mid kamid ahaa lataliyaashiisa ku dhiiraday in uu u sheego: "waa maxay boqorow sababta aad ugu maal galineysid qarash intaas dhan waxan loo baahneyn? maxaase hada ugu soo jari la'dahay cad maqaar ah sidaad ugu daboosho cagtaada?;. "boqorkii waa uu yaabay laakiin kadib waa uu aqbalay taladii oo waxa uu sameystay kab. xikmada: "si aad uga sameysato dunidan meel farxad leh oo aad ku noolaato waxa ku wanaagsan inaad bedesho ugu horeyn nafsadaada(qalbigaaga) ma ahan dunida;.All Rights Reserved