"Maalin aad u kululeyd ayaa tuke aad u oomay kadib wuxuu bilaabay in uu hawada dul heehaabo (duulo) asigoo ka eegaya dhulka meel biyo leh si uu u haraad ba'o, waqti badan markii uu raadceeyay ayuu waayay wax biya ah.
"Tukihii dhulka xagiisa ayuu usoo yara weecday asigoo rajeynaya wax uun inuu helo, isla markiiba waxey ishiisu qabatay jeeg hoostiisa ka muuqda, si toos ah ayu u abaaray kuna dagay aktiisa si uu u hubiyo iney biyo kujiraan. haa, waa kujiraan dabcan in yaroo biyaa jeega.
"Wuxu isku dayay dhowr mar in uu madaxiisa ku riixo(galiyo) jeega laakiin ,nasiib daro, waxa uu ogaaday in uu jeega afkiisu aad u dhuubanyahay una suurta galeyn in uu ka waraabo in yar oo biyaa xitaa.
kadib wuxu isku dayay in uu jeega riixo si uu rido biyana uga soo daataan, nasiib daro, waxa uu helay in jeegu uu aad u culusyahay.
"Tukihii si xeeldheer ayuu u fakirayay xogaa, kadib hareerihiisa ayu eeg eegay waxa uuna arkay dhagax yaryar oo quruurux ah o badana laga helo bada iyo wabiyada agtooda, isla markiiba fikir fiican aya ku dhashay, kadib wuxuu bilaabay in uu mid mid uso daad gureeyo dhagxaanti yaryareyd asigo mid walbaa ku ridayay jeega.
"Markii uu in badan oo dhagaxdii ah kushubay jeega ayuu soo buux dhaafiyay biyihii, ilaa uu ka cabay in badan oo ku filan, qorshihiisiina waa u hirgalay.
Xikmada sheekada:
" Hadaad sameyso isku-day adag oo kugu filan, waxad isla markiiba helee xalinta dhibkaaga.