Sheeko:
Waxaa jiri jiray oday baadiyaha deggan,
maalin waxaa ka xanuusaday dameerkii uu lahaa. Lexo-jecladii uu ka qabay ayuu u geeyay xannaanada xoolaha, si uu dawo ugu soo qaado.
Markii uu geeyey kadib dameerkii waxa
loo soo qoray kiniin!, waxa aanu dhakhtarku ku yidhi,
" aroorta tuunbo soo qaado dabadeed afka u gali, uguna
dhex rid kiniinka, kuna afuuf si uu dameerku u liqo".
Aroortii markii ay gaadhay ayaa uu odaygii dameerkii
isku dayay inuu siiyo kiniinkii isaga oo maraya dariiqii
uu ugu sheegay dhakhtarku in uu dawada ku siiyo.
Isla markii uu odaygu isku dayay in uu ku afuufo kiniinkii ee uu tuunbadii afka u saaray, ayaa uu dameerkii kaga
horeeyay oo uu isaga ku afuufay, sidaana odaygii waxa
uu ku liqay kiniinkii.
Ujeedkayga sheekadan waa maxay?
Maxaad ka fahantay akhriste ?All Rights Reserved