
Qaybta kowaad. Waxa ay isla soo mareen dan iyo duruuf walba.Waxa laga jooga mudo lix sanadood maalinkay is guursadeen waa waqti badan runtii. lix sanadood ayay is dugsanayeen hadana aykala daahnaayen( ayna iska war hayn). Dhacdooyinkan waxay ka caan ka dhex ahaayeen bulshadii hore waayo dadku warba iskuma hayn ama maba aysan danaynayn nolosha qiimaheeda.Taaso ay sababtay jaahilnimo ka haysa nolosha qaybaheeda kala duwan. Waxay uur u lahayd ilmaha 3aad waa ilmaha ayka qaaday xanuunka iskubuuqa( depression) waxa ay kali ku noqotay howsha guriga, dhan isaga ayay ka ilaalinaysa caruurta si ayna ugu qaylin ama ayna u toosin, isagu hurdo ayuba ka dhargay warna uma hayo. Waxay umushay gabadh iyado loo bixiyay jawhara oo ah magac aad u qurux badan.All Rights Reserved