•Iskajir dunuubta, iyada weeye waxa keena Hammiga Iyo Qammigee, waana iyada waxa fura albaabada balaayooyinka. •Haka xumaan hadalka iyo waxa xun ee lagaa sheegayo adiga waxba kuma yeeline, kan yidhi ayuu dhibayaaye. •Ogow in kan ku caayey uu kuu hibeeyey wanaagyadiisii, danbiyadaadiina la maydhay, wuxuuna kaa dhigay mid caana, taasina waa Nimco. •Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dhaganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada cibaadada, oo dhex dhexaad noqo, iskana jir inaad diinta isku adkayso “ al quluw fidiin “.