Gacaliso, waa suuragal aayaha dambe ee nolosheenna inaynaan si wada jir ah u qaadan. Haddana waa suuragal inaynu wadaagno. Se middan iyo faalladeeda uma socdo oo waa qaddar iyo qoraal aynaan ogeyn siday u dhici doonaan.
Gacaliso, mar walba oo uu dhexdeenna gaabis yimaaddo waxaan ahay qofka moodaya gebagebada wax walba oo aynu wadaageyno, middaasi kalsooni darro iyo inaanan jacayl dhaba kuu qabin ma aha. Waa inaanan rabin inaan ku lumiyo, inaan ku waayaana waa cabsidayda koowaad.
Gacaliso, kala go'eenna kadib waxaan kuu qirsanahay inaad heleyso qof si walba iiga wanaagsan. Qof aan dareemmadaada ku ciyaareyn, qof ahaanaya garabkaaga oo dhegeysanaya hadalkaaga xitaa adiga oo aan jawaab uga baahneyn. Anigu isuma arko qof wanaagsan oo kuu qalma, middaasi waa sababta aan adiga kuugu dhiibay xidhiidhkeenna: haddii aad goyso iyo haddii aad kobcineysoba. Ta hore haddii ay timaaddo kama qoomameynayo marnaba inaad noloshayda ka baxday ama u qaadan maayo in jacaylkaagu uu ahaa mid been ah. Igu filan wax walbana iiga dhigan inaad ka mid ahayd noloshayda, doorashadeyda aan ku doortayna ma ahayn mid aan ku khasaarey oo sababtaas awgeed baanan marnaba u qoomamooneyn. Haddii ay ta dambe noqotana waa – meel aan rabay roob ma igu helay – oo doorashadeyda inaanan ku khasaarin baan qirayaa.
Waxaan kuu qirayaa inaad tahay ruux u qalanta nolol qurux badan, ruux leh qurux iyo inta dheddig lagu doorto, ruux dabeecad iyo dareen wadaag leh. Gacaliso, si kasta oo ay waayuhu noqdaan waxaan kuu qirsanahay in halkaad maanta ii joogto aad abid ii joogi doonto. Kulammadeenna dambe haddey dhacaan innagoon wada socon, waxaan kuu qirayaa inaad mar walba tahay qofteydii ay waayuhu iga doorteen. Marnaba kama xumaanayo go'aan aad qaadato iyo qaddar Eebbe oo yimaaddaba.
salaahed
W/Q: Salaah Ibrahim
Wed, 03 Apr 2024 — 11:50pm — Ramadan