Dumarka

82 2 0
                                    

Mel lajogo iyo kab lagu simanyahayba raggu dumarka wuu yassaa nin qirta iyo midd qarsadaba kuwaliba inuu kasareeyo ayaa kumudan hoos ayeey u eegaan dalalka danbeeyo si adaansi u eg ayey ula dhaqmaan tariiqda inta laxa suu sanyahayna waligeed madhicin iney raggu lasin maan markasbaa iyada oo aan loo heynin dalil cilmiya oo aan lacuskan karin garaadkooda ladhalilaa somalidu arintaas kali kuma ahee waa laguwehliyaa boqol sano wax kayar muddo hadda lagajoogo ayaa qaar kamida qaramada yurub kuwa ugu waaweyni waxey markii ugu horeysay u ogolaadeen iney codeeyaan ilaa mantana dumarku galbeedkana waxey kahilfanayaan iney ragga kamushaar yaryihiin xatta hadii ay isku shaqo qabanayaan ama ayba isku cilmiyihiin guud ahaan iyadu ay u ektahay aadanuhu taa iney kasimanyahay ayey #soomalidu ugu darantahay iyada mooyee umadaha kale kuma aan maqal inee leeyihiin suugaan jaan walba leh oo haweenka lagu liidaaye sitoos ahna dadnimadooda loogu dhaawacaayo sugaanteeda ayaa waxaa muus ka ah qaar cubinteedii hore iyo wadwadkeedii danbana looga gool lahaa in dumarka lagu madaxjabiyo loogana dhaadhiciyo ineeyihiin milga iyo meeqaanba duul ragga kahoseeya suugaanta ceen kaasa waxey u kala baxdaa kuwa lasoo qadan kara iyo kuwa aanba laqadan karin oo aflagado u badan
Kuwa hadaba afka lasoo marinkara aan kasoo qaato tusaalayaal inoo muujinaaya halka hoose ee ruuxa dumarka ee #somalidii hore gaarsiisay waxa ay oronjireen waa caruur raadweyn oo ah raad ah kubaneysan jireen in haweenka sida dhalaaanka loola dhaqmo oo marka ay wax bi'iyaan loo xanjafiyo hadey kadhiidhiyaana aan danlaga galin waxey kalee kutilmaameen inee yihiin duul abaalsheegad miirana oo samihii ay geystaanba weligood iyo waaqoodba iloowin marwalbana cidda ay u samafaleeena xusuusiya sidaas awgeed baa odayadii horeed wax ay dhalinyarada kula talinjireen haddi gabadha lasooguursadaa ay reerka cusub soogasho iyad oo weel qura wadato walaga jabiyaa ama waa laga kala goyaa haddi kale welkeygii middideydii gogolkeygii ama dhisheydii ayuunbaa ilaa iyo aaqiro kuheyn dontaa runtii majirto dabeecad wanagsan oo ragga idilu wadaleeyahay mana jirto mid xunoo lagawada dhaxeysiyay dabadeedan ay dhalil kuwada yeelan karaan dumarkuna waa lamidoo haweyney walba dhaqan lagu abuura iyo tilmaama ugara ayeyleedahay haddi ay liidato iyo haddi kalena waa wax iyada uun kueg kuwakalana ayne lewadagin sidaas awgeeed beey gafweyni utahay in layiraahdo dumarku sidaa iyo sidaa ayey kasimanyihiin dabadeedna inta maahmaah iyo suugaan loo oogo laga dhigo wax marag madoonto ah oo in larumeysto mooyee aan muran lagalinjirin
Waxa haddaba jidha dabeecado liita oo #soomalidu ay dumarka wadar ahaan ugusaarisay waxey ku tilmaameen
Inee yihiin duul wanaaggii loogalaba xumaan kaga abaal guda markasbe kumaahmaaheen abaal raaga ragbaaleh abaal sodag daga xolahaaleh abaal ba'ayna dumaraaleh waxey hadana kusheegijidheen ineeyihiin duul in wanaag lagu dhaqo iyo in xumaan lagudhaqaa ay iskaga midtahay markasbe ku maahmaaheen ninkii xariir u gogla xanan bee u goglaan kii xanan u goglana xariirbee u goglaan waxey kaloo ku sheekeen jireen balan laladhigtaa inaanu suuragal ka'eheen markiibana axdigi aad isku ogeedeen ay kabaxaan waa teey fikradaasu maahmaahi urogeen ay oronjireen kasnaagoodo kadaloob ragg kaga danbeeyay kaad ku ogeedba maahan markale suugaanta maansada qaarkeed waxey ina bareysaa haudhasheen ama haudhaxeene haddi ladiriro oo reerka oo maanta ay joogan col galo in kolba ciddi ay guushu raaacdo ay dumarku dhinaca saraan kuna jaal noqdaan
Allaha unaxaristee gabyaagii weynaa eee la'oranjiray SAMATAR BAXNAAN
Ayaa beri niman ay xigaal ahaayeen wax uu kudhaliilay in waxii lagudboonaa ay kagaabiyeen cid uu rabayna ina ay kaxafiif qaataana ay kaxaabsaden gabay uu ragga utiriyay waxaa kamid ahaa
Tudux uu kuduraayo iyaga iyo dumarkuna uu kusimaayo wuxuu yiri
Dagmo haddi laweeraro halkey deex ka'ololeysay dabka oo isdhaafiyoo rasaas danab lamodaayo raggoo oo wuu daafaco iyo dilal ku rooraayo iney dumarku kula ciidanshaan una dadaalaan duunyada colkii qaaday wey dabacayaaraane nimanbaa lada'a beentu waa dodobo naareede
Heblo hebel waa gaari ruffidda aqalka iyo dhaqaalaha qoyska kuwanaagsan inlayiraahdo mooyee marnaba #somalidii hore haweyneeda uma ay ogolaan tilmaan kasta oo kale amaanta bulshada ay kumudan karto haddi ayleedahaynay wey kulayaabi jireen isgana allah unaxariistee gabyaagii la'oranjiray XAAJI AFQALOOC
Ayaa isga oo noosheekeenaayo wuxuu yiri waxaa jira saddex dabeecadood oo ragga kuwanaagsan dumarkasene ku xunoo in ay yeeshaan looga fcnyahay oo xaaji waa kuwee ayaanu kuniri markaasoo yiri waa geesinimo aftahannimoo waa deeqsinimo waxyar kaddib xaajigu waxaa uu arkay in aanan garan sababaha tikmaamahaan wanagsan aynen dumarku ugu fcneen bulucda siisayna ee oraahdu ay naga daahantahay ayy noo laqbeeyay wuxuu yiri saddaxdaa dabee cadood haweyneedee wax kalehu reerkeedi uun bee kudumisaaye wax kale kuma soo hoyso tusaale ahaan ninkeedu hadii uu dhagadeeyo ama dharbaax yari kagaadho si ay geeesinimo kutilmaamantahay wey iskadhicisaa oo mararka qaaru waxa uu kudhufta wax kaculus ayey ugeesataa daqarbey kajeexdaaa halkaas buu ku burburaa reerkii dhamaa oo dhisnaa ruux aftahannimo meel dhigatay haddey tahay haweyneyduna hadalkasta oo ninkeedu kuyiraahdaba midbeey kacelisaa markaasbaa lais afdhafaa markasbey siidabeebataaa markas buu wadadku caroordaa markas buu saddaxdedii maqashiyaa markas buu reerkii sidas ku ahadaa haddi ay deeqsinimo udhalatayna xolaha ninkeeda inta ay markaas gacanta kuheydana ayey bixisaa ciddi utimaadana faraha ay kasartaa qof ubahan iyo midaan ubaahneynba waa ku galaddaa dhararta danbe ayaa la'arkaa xeradii iyi xashintii reerka oo maran dabadeedna ninkii tabcay ayaa waa kubaryaa halkasbeyna iskuseegaan asiga iyo afadiisii gacanta furneed kuna kala dhaqaaqaan
SUAL: maxaad hadab sheekadaan kagaratay maxeysa dumarka somaliyeed ??? kulatalineysaa sow gafkii lafula kacaba hakadhiidhi'in mahan ereyada kuwa ugu xunxun haddi laguyiraa so haqoonsan maahan xolihii ay wax kadhaqday ay tarmintoodu ay kabuhu kaga idlaadeen sow waxba kama bixin kartid dulucdu maahan ugu danbeysta so intuba dulmi iyo dafirad qofnimo mahan

DumarkaHikayelerin yaşadığı yer. Şimdi keşfedin