NasBAABKA KOOWAAD
GOGOLDHIGGA GUURKA
GUURKA IYO MOWQIFKA DIINTA
Guurku diinta waa u gargaar, shaydaanka waa u gablan iyo hoog, waana gaashaan adag oo cadowga Eebbe laga galo, waxaana ku badata ummadda Islaamka si ay ula tartanto ummadaha kale.
Eebbe waxa uu Aayaddiisa Qur’aanka ah ku leeyahay:
(U guuriya xaaslaawayaasha idinkamidka ah iyo addoomadiinna kuwooda wanwanaagsan “rag iyo dumarba”. Hadday sabool yihiin Eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya, Eebbana waa kii
deeqdiisu dadka ku wada aaddo, cid walbana duruufteeda ka warqaba.).
Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxaa laga weriyey inuu yiri: (Isguursada oo tarma ummadaha ayaan idinkugu faanayaa maalinta Qiyaamaha eh). Cumar (RC) waxa uu dhihi jiray: (Waxaan u guursadaa saan wiil u helo), ibnu Mascuudna waxa uu oran jiray: (Hadday cimrigeyga toban beri oo keliyihi ka harsan tahay waxaan jeclaan lahaa inaan guursado, si aanan Eebbe uga hortegin anigoo doob ah). Saxaabigii Mucaad Ibnu Jabal daacuun baa ku dhacay, laba xaas oo uu qabayna ka dilay, markaasuu yiri: (War ii guuriya, ma jecli inaan Eebbe la kulmo anoo doob ahe).
Qofkaan haddaba guursan karin sabab kastaa ha kalliftee, waxaa habboon inuu is ilaaliyo intuu faraj khayr qabaa uga furmayo. Eebbe waxa uu leeyahay:
(
Ha dhowrsadeen kuwaan awood guur heli karaynin intuu Alle deeqdiisa kaga hodminayo).
Ibnu Mascuud waxa uu Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka weriyey inuu yiri
:
(Ninkii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa kacsiga ka bi’inayee).
FAA’IIDOOYINKA GUURKA
Guurku waxa uu leeyahay shan faa’iido oo kala ah:.
1-
Ubad kaa hara:-
Faa’iidooyinka guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go’in. Ubad dhalistu waa inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala ha:
-
Inaad ku doontid raallinimada Eebbe
, maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.
-
Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka
(Sallallaahu calayhi wasallam) kol haddaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa.
-
In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba
oo kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.
-
Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro
.
2-
Dhufays aad ka gashid Shaydaanka:-
Guurku waxa uu kaa oodaa meeluhuu shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan Eebbe ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.
3-
Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:-
Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la’iska deynayaa. Haddaba maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan!. Saacadaha uu ninku