Ahmed wuxuu ahaa wiil da'yar kuna nool somalia gaar ahaan gobolka banadiir caasimada mogadisho ,ahmed wuxuu wax ka barani jiray dugsiga hoose dhaxe ee banaadir ee dagmada karaan .walidkiisana waxey ahayeen dad iska danyarta mogadisho kunool oo irsaaqoodha soo dhacsadha,Ahmed abihii wuxuu ahaa xamalato wuxuuna ku hanweyna inuu willkiisa waxbarasho heersare ka gaarsiiyo madama uu ahaa curadkiisa reerka iyo mustaqbalka reerka soo socdho.hadan wax yar kaaga faloodho dabeecad ahmed,wuxuu ahaa wiil bashaash ah oo faraxloow ah dadkana eey jaceylhinn gaar ahaan asxabtiisa ahmed dhinaca waxbarashadha wuxuu ahaa wiil firfircoon oo macalimantiisa saaid u jecelyihiin gaalmaha kowaadna ka gala imtixaan..
Waxey aheyd malin jimco ah oona roob xoog leh daayo oo dabeela wada ahmed markaasi kasoo laabtay iskuulki una socdha ayaa waxuu dhahdha kula kulmay gabar taaso ilaah qurux ku maneystay markii indhihiisa ku dhaceen gabadha ayaa halmar ahmed jirkiisa oo dhan jariirico ku istaagtay owoodhi waaye una socdha ama lug dhaqaajiyo ..
Gabadha magaceedha waxa la oran jiray najmo waxeyna wax ka barani jirtay iskulki uu ahmed wax ka barto najmo waxey aheyd gabar ilaah u dhameeye qurux iyo dabeecad iyo waliba hushmad ..
Najmo reerkedha waxey kuwo ladhan oo noloshodhuna tahay dhaxdhaxaad ,waxey sedex class ka danbeysay ahmed taaso ah ineey aheyd classka 5aad asagana u ahaa midka 8aad.. ahmed asagoo wali ka fikiriya inanta Alle qurux u maneystay oo u indhahiisa la jeedsani waayen ayuu kuriga kusoo laabta kadibna iska badalay dharkii qoyonaa oo uu roobka lasoo soo dhaxmay kolkaasuu dhinac dhinac isku tuuray sarirtiisa asaga qalbikisa wali ka fikiraayo gabadhii u lasoo kulmay kolkasu bilaamay inuu u qoro geraar ka hadlay quruxdha najmo wuxuuna
Najma malintii indhaheyga ku arkeen hurdo waan seegay seexani jiifani waaye adiga unbaa ka fikiraa ee eebow allow ii sahal inanta an jeclahay oo mar ila kulansii
Ahmed wuxuu bilaway inaa badhi goobo xaga eey najmo kaga nooshahay mogadisho..
Wagii markuu baryahay uuna diiqa yeeray qoraxdhana lasoo baxdhay waji hor leh ayaa Ahmed wuxuu isku diyaariye inuu aadho iskuulki wuxuuna kudha kalay inuu qabeys qaado kadibna u dhaqajiye xagii iskuulki asagoo wali najmo qalbiga kaga dagantahay sidhii uu ku heli lahaa una ogaani lahaa xage eey kaga nooshahay mogadishu wuxuuna nafsidiisa weydinaaye talow xageyga kaga noshahay magaladhan sidhaa u weyn mana helidoona in markale la kulmo Allow amuuraha sahal ..Ahmed asagoo isla hadlayaa ayuu iskuulki kaaray walina ka fikiraayo xurul ceyntii uu lasoo kulmay kadib wuxuu gudha galay inuu classkisa aadho qaadana cashiradhiisa sidha caadhiga aheyd ,ahmed sidhii horay oo bashashnimadha ma ahan maanta waayo markuu classka kujiro waala daremaaye lakinse manta wuxuu u egyahay maqane joogay oo wuxuu ka fakirayaa najmo iyo la kulankeena ,sxbkii sharmaake oo eey iska kursi aheyn ayaa ahmed weydiye waa maxay maanta wajikaga waa yar kashuuc ma dhib ayaa ku heysta sxb ii sheeg? Ahmed oo isku dayaya inuu ka qariyo dhibkiisa ayaa ku dhahay sharmaake maya sxb dhib majiro.sharmaarke ayaa markale kuceliye oo ku dhahay saxibow waan ogyahay inuu dhib jiro ee ii sheeg maxa sabab u ah murugda wajikaaga ka muuqada , Ahmed oo yer marugeysan aya u sheegay dhibka heysta iyo waxa keenay murugadha ka muuqada ..sharmake ayaa ku dhahay saxiib magacedha ii sheeg waan kula radhinayaaye kolkaasu cod yar laciif ah ku dhahay waxa ladhaha najmo arktidhii kowaad ayeey qalbigeyga xaday kadibna ma anan arag mana aqaano xaga kaga nooshahay mugadisho..sharmaarke ayaa kuyiri saxiib waxba ha is calool xumeynin waad heleysaa gabadha qalbigaaga doonaayo waxana arintaa garab nagu sinaayo aniga walasheey Amino waaye laga yabaa ineey daqaano najmo .Amino waxey aheyd sharmarke walashiisa kayar walaal kaliya uma waxey kaloo u aheyd saxibtiisa oo kale waayo wax walbo weeey isku qarsani jireen..
Kolguu dhacay xilikii break ayaa waxa isa soo raacay sharmaarke iyo Ahmed dhinacee classka Amino si ey ula socodsiiyaan arinta nasiib daro amino oo socodo ayaa ka hor timid kadibna waa la isla salaamay Hi Ahmed sidhee tahay aboowe ? Kolkasu ku dhahay waa ok abaayo amino adigana? Lamid ayey ugu jawaabtay ..sharmake baa hadalkii furay kuna dhahay abaayo amino saxibkey ahmed unuu kula hadllo markaasey ugu jawaabtay waa ok ee ina keena jirdiinka bananka iskuulka waa la isla raacay dhamantood.
YOU ARE READING
UUR KUTAALO CASHAQ
Romancewaa sheeko jaceyl ah si dhab ah u dhacdhay qaasa ahan aniga ayey ii quseeysaa shekadhani