Ma doonaysaa inaad kordhiso fariidnimada caruurtaada? Suuqa waxaa buuxa alaabo lagu sheego inay kobciyaan caqliga caruurta, waxaana ka mid ah, buugaag, agabka carruurtu ku ciyaaraan, cajalado, ciyaaro iyo barnaamijyo loogu talogalay inay xoojiyaan caqliga ilmahaaga.

Khubaradu waxay isku khilaafsan yihiin ammaanta carruurta caqlo badnidooda inay u fiican tahay iyo inay u daran tahay. Dhakhaatiirta cilmigu-nafsigu waxay sheegaan haddii caruurta lagu ammaano fariidnimadooda inay taasi hoos u dhigayso hankooda iyo waxbarashadooda, sababtoo ah marka lagu ammaano fariidnimo waxaa yaraanaya isku daygooda iyo dedaalkooda, waxayna isku inay ilaaliyaan khalad sameeyaan ama ay isku dayaan wax adag sababtoo ah haddii ay ku dhacaan waxay ka baqayaan in loo arko doqommo waxayna isku dayayaan khiyaano kasta oo ay samayn karaan si ugu muuqdaan ilmo garaad badan. Fariidnimadu waa mid ka mid ah awoodaha maskaxeed laakiin ma ahan mida ugu muhiimsan, waxay noqon kartaa hibo waana la kasban karaa oo qofku wuu kordhin kara fariidminada iyo garaadka ilmihiisa.

Maskaxdu waxay ku kortaa oo ku kobocdaa labo arrimood oo kala ah waayo-aragnimada iyo fikrafaha cusub.

Hadaba haddii rabto inaad ilnahaaga ka dhisto xaga maskaxda u ogolow ciyaarta gaar ahaan inay la ciyaaraan caruurta kale, taasi wax badan ayay ku baranayaan sida inay bulshada dhex galaan, wax la qeybsiga iyo sida loola dhaqmo dadka. Waxaa jira xiriir weyn oo ka dhexeeya jimicsiga iyo maskax badnimada, jimicsigu wuxuu xoojiyaa fahmadda iyo awoodda garasho ee qofka. Gabdhuhu wiilasha way ka baran ogyihiin luuqadda iyo hadalka.
  • JoinedFebruary 28, 2021




1 Reading List