Saaxiibtinimo, Jaceyl, Damac!!! Qeybta 2aad

2K 6 2
                                    

Qeybta 2aad Sheekadii Saaxiibtinimo ee Cali Axmed iyo Xasan...

Dalsan ayaa timid salaan
diirimaad leh kadib bay gudo-galeen sheekooyin hore iyo wax iska waydiin
waxa hada taagan Dalsan waxa la socota oo wehlinaysa gabar saaxiibteed ah oo Falis lagu magacaabo. Dalsan Cali iyo axmed waxa usocota sheeko durba meel xaasaasiya gaartay. Xasan iyo falisna waxa dhexmartay sheeko aad u xiiso badan waxayna u dhacday sidan..

Xasan:- Walal macan falis bal iiga waran waayahaaga guud iyo isbadalada cusub ee iga danbeeyay.

Falis:- walaal macan xasan waayahayga guud wuu iska fiican yahay ee walaal saad magaalada uga
tagtay asxaabtiiba waad ilowday ee dhab ahaantii xasanoow sheekadaada iyo hadalkaaga asaaxabtaan ka
maqli jiray iyo waliba xiriirki adiga iyo Nimco degan.

Xasan:- Walaal falis waxaan kugu xasuustaa habeenkii igu kaa horaysay een ku arko xafladii arooskii nuuradiin dhab ahaanti waan kugu qushuucay oo iga yaabisay markaad ciyaaraysay dhalinyarta oo dhan baad soo jiidatay boqorada xaga ciyaartaan kuu aqoonsaday. Ee falis cadey  bal iiga waran xiisiha iyo xarakaadka asxaab
tayda aad gadaashay ku soo biirtay.

Falis:- Xasanoow asxaabtu waa
qayb nolosha ka mid ah oo lagama maarmaan ah la qabsigaygii hore ee xaga asxaabtu wuu adkaa. Lakin Hada
Xubin firfircoon baan ka ahay, Waxa aan u qushuucay oo naftayda xiiso iyo farxad gaara galisa Marka aan arko Isjeclaanta asxaabta dhexdooda iyo isku kalsoonaanta ka dhex muuqata. Kalgacaylka aan qiyaasta lahayn iyo muxibada isku lamaan oo ay marwalba la dariska yihiin waa mid naftayda ku qasabtay in aanan marna ka maarmi Karin. Oo hadii aan daqiiqado ka maqnaado aan
dareemo walwal iyo fikir aan  qiyaas lahayn.

Xasan:- Midaa ha inoo dambeysee bal war iga sii noloshaada jacayl ee waqtigaan.

Falis:- walaal macan xasanoow hadii aan kaaga waramo nolosheyda jaceyl Aniga shaqsiyadayda markii iigu horaysay waxaan jaceyl u qaaday hal qof oo aan ku rajo waynaa hanashada qalbigiisa. Naftaydu waxay iska jeclayd
marwalba inay aragto oo aan iskala farxo iskala kaftamo iskala qoslo lakin taasi waxa ay noqotay fikir iyo riyo aan kaligay qabo qofkaasi ima uu dareensanayn. iima dareensanayn in an ku riyoodo aragtidiisa iyo dhoola cadayntiisa, wuxuu ahaa qof markaan
u soo dhawoow is idhoho iga sii dheeraanayay. Markan kaftan iyo
sheeko la wadaag is dhahana iga doorbidayay asxaabta kale kuna mashquulayay, yaanan kugu dheereyne qofkaasi wuxuu ahaa saaxiibkaa Cabdi Qafaar.

Xasan:- walaal ii wad sheekada
oo lakin xusustaa dheer sideed isku ilowsiisay oo ku ilowday.

Falis:- xasanoow horta sidaad ku ilowdo qofka ugu horeeyay ee aad jaceyl u qaaday way adagtahay lakin hadii aad heshid qalbi daacad ah iyo qof ay ka dhabtahay inuu nolosha kula daadihiyo waad iloobaysaa. sidaas oo ay tahay wax walba calafkaa ka wayn
waxaan calaf isku yeelanay wiil Cumar la dhoho.
wiilkaasi mudo badan ma wada sheekaysan kulankii ugu horeeyay kii ku xigay wuxuu isoo bandhigay inuu i
jecelyahay guur iyo mustaqbalna iga rabo. anigana maka diidin aniga oo niyada ku haya riyadaydii beenawday. Si kastaba wiilkii waan is guursanay oo isla aqal galnay lakin markaan mudo wada joognay ayaan wiilkii wajiyo kale ku arkay aniga oo wax walba ku ogol dhib iyo dheefkastana kaga raali ah muhiimadana saaraya dhismaha reerkayga, saas oo ay tahay isaga way u muuqan wayday si walba oon ugu
adkaysatay waxa uuba iigu daray Jir-dil.
Adiga markaan mudo sanad ah wada joognay waan kala tagnay taasina anigu waxaan aaminsanahay inaanan khalad ku lahayn.

Xasan:- Walaal macaan falis waxa tahay qof qaali ah oo samir iyo dulqaad badan. lakin suaal aan ku weydiiyee walaal mabda'iyan hada  badwaynta caashaqa door intee la'eg baad ka ciyaartaa?!

Falis:- walaal Xasan mabda'iyan waxaan qabaa jacaylku shay qaaliya in uu yahay, inta is jecel ee wada jirka
ku nool waxan u rajaynayaa farxad iyo mustaqbal waara.
inta aan is calman ee niyada isku haysana waxan leeyahay alloow isku soo dhawee, aniga ahaan wakhtigii iyo
fursadihii nolosha iyo jaceylka waxaan ka helay intii ugu qaraarayd hadana kama xumi, hadana ma filayo fursad kale qadarka allah mooyee.

Xasan:- walaal macaan   sidaa ha u hadlin ma aha inaad nolosha sidaa uga
quus dhigtid waxan qaba inaad wali noloshaba waxba ka arkin oo aad u tahay ubax yar oo ifaya fursadihii ugu
fiicnaana kuu hareen.

Markii ay intaas mareyso sheekadii ayaa waxaa soo dhexgalay asxaabtii kale.
Waxa markale fursad isku
helay Axmed iyo Falis, Cali iyo Dalsan, saas oo ay tahay waxa is guray waqtigii waxay ka war heleen saacada oo caga
cagaynaysa 8:30 habeenimo Xasan waxa uu saaxiibadii ku wargaliyay inay hablaha hooydaan sidii ayay hablihii ku hooydeen.

3da saaxiib qorshahoodu markii hore wuxuu ahaa inay bari Kismaayo ku noqdaan lakin waxa baajiyay codsi kaga yimid dhinaca hablaha. waxa loo balamay kulan kale iyo halkii hore ee gurigii Xasan. Cali iyo Axmed markay hablihii kasoo noqdeen waxay dib ugu soo noqdeen Xasan oo sugayay waxay sheeko dhexmartay Xasan iyo Axmed.

Axmed:- saaxiib Xasan qoftii iyada ahayd ee falis waan is fahanay  qoftu waa qof iska farxaan ah oo soo jiidasho leh si wacan baan wax isku waydiinay oon isula jaan qaadnay waxaana kawada hadalnay arimo xaga
nolosha ku saabsan iyo xiriir jacayl
waxaana ku kala nimid fursad kale iyo bari.

Xasan:- saaxiib Axmed
waa arin wanaagsan anigana waan kugu taageerayaa...

Iyadoo sidaas ah ayaa 3dii saaxiib waxay u jiheyssteen xagaa iyo xaafadii Cali waxayna ka sii sheekaysteen faaqidaada arimo qaas ah iyo isku sii
diyaarinta balanta bari.
Marka xaafadii wax yar loo jiro ayaa
Xasan waxa uu soo xasuustay gacalisadiisa leyla. waxa uu  garaacay telefonkeedii gacanta   waxa uuna u sheegay inuu bari uu joogo oo uu
Kismaayo ku noqon doono saa danbe uuna jeclaan lahaa inay habeen danbe kulmaan wayna ka aqbashay.
3dii saaxiib waa ay casheeyeen iskana seexdeen iyagoo laga dareemayo
xiisiha iyo xamaasada kulanka beri 3dii saaxiib iyagoo iska faraxsan ayay u dhaqaaqeen xagaa iyo goobtii
balanta. Cali ayaa telefonkii Dalsan garaacay.

Cali:- walaal xaafadii ayaan u soo dhawnahay ee xageed joogtaa?!

Dalsam:- walaal macan waaban joognaa anaga!

gurigii markay afaafka ka galeenba waxay indhaha qac ku siiyeen labadii hablood ee Dalsan Iyo Falis.

Dalsan:-walaal maxaa sidaa la isugu galayaa sidaan u fadhinay cagihiiba na
cuslaaday?!

Xasan:- walaal macaaney raali galinbaan ka bixinaynaa.
Waxa bilawday iswaydaarsashada erayo xul ah Waa axmed iyo falis, Cali iyo Dalsan.
iyadoo sidaas  ah ayaa xasan waxa soo wacday qoftiisi Leyla waxa uuna u tagay gacalisadiisa wada sheekaysi iyo isa sagootin kadib waxa uu ku soo noqday asxaabtiisi oo ay sheekadu meel macaan u marayso waxa
xusid mudan in uu ku soo biiray  aqyaarta wiil kale oo ay Dalsan wada sheekaystaan, gunti iyo gabagabadii saacadu waxay afka saartay 9:30 habeenimo, Xasan waxa uu yiri hooyo baan u tagayaa ee hablaha sii kaxeeya Dalsan wiilkii ay sheekada ka dhaxeysay ayaa kaxeeyay Falisna
Axmed baa u diyaar ah in uu kaxeeyo lakin cudur daar bay ka bixisay waxayna tiri Xasan ha i kaxeeyo ama
kaligay baan iska lugaynayaa, lakin Xasan wuxuu aaminsan yahay mabda' iyan ah in axmed iyo Falis xiriir
isfahan dhexmaray kuna haboon inuu  Axmed sii kaxeeyo inanta.
Wada-xaajood kadib waxaa laysku in inanta uu kaxeeyo Xasan.

Falis waxay u tahay fursad dahabi ah Xasana waa u dabin xarig haween daadshay oo xiriirkiisa jaceyl iyo labadiisa saaxiib dhaawac u gaysan karta.
falis iyo Xasan waa ay isa soo raaceen.
waxana dhexmartay sheeko layaab leh oo aan xasan xisaabtaba ugu jirin!!!

Saaxiibtinimo iyo Damac Jaceyl!!!Where stories live. Discover now