Somalia . Dooqu Waa Cajiib

979 12 1
                                    

DOOKHA WAA CAAJIB GUURKUNA WAA QALI

waxaan dhamaantood sikhaas ah u salaamayaa akhirsta yaasha aad ka ula socda sheekooyanka cilmiyeeysan ee aan maskaxda dadgan ku soo qoro kana soo fiirsado iyo dhamaan inta xiisay sa sheekooyanki somaliga ah ee khuseeya dhacdoyanki taagan.

Waxaana idinleeyahay akhristayaal dhamaantiin meelkasta aad dunida ka joogtaan ,

aad iyo aad baan idiin salaamaya waxaanan idin leeyahay Qalbigaa idin salaamay Asalaamu calaykum warax matulaahi wa barakaato akhristayaal waxaan halakan idiinku soo ban dhigayaa sheekadan ku saabsan maxaa Guurka fududeeyay

Furiinkana badiyaay ? waa mid is waydiin leh !!!

ma hungoobo caashaqa la hayaa hareeraha marka laba u heelani hagayaan sideena

Guurku waa shay qaali ah oo suna ah qofkasta oo dhalinyara ah ama ha waynadee ama ha yaradee uu u baahan yahaay , guurku ma aha wax lagu ciyaarikaro oo la fududaysan karo waayo waxaad dhisay saa Qooys ama Guri markaad dhidibada u taagto waxaa ku fuulaya masuuliyad aad u culus waxaanad diyaar u noqotaa waxkasta oo Gurigaaga soo fuud saara inaad shafka u dhigato waxaad kafaala qaaday Gabadh dhan oo reer dhalay masuuliyadeeda waxkasta oo ay ubaahato haday mariin tahay iyo haday masruuftahayba adiga ayaa dusha kaa saarantahay Dumarkuna waa caruur waxay ubaahan yahiin inaad kool kooliso kalgaceyl aad gashato oo aad soo dhawaysato markastana aad ka war hayso waa inta ay kali tahay aanay curan ama aanay dhalin hadba sidaad u taaqano waxaa loo baahan yahay inaad xili hore utimaado waayo gurigoodi ayaad ka soo kaxaysay waxaad dhexkeentay dad ama qooys ku cusub oo aanay is fahmayn ,

adiga ayaay kaa soo door biday reerkoodii ama faamilkay la nooleed.

waxaa iska cad inaad tahay qofka kaliya ee ay aduunka u jeceshay markstana ay u baahan tahay argtidiisa ,

guurkuna waxuu ku haboon yahay markuu ku horyimaado calaashaan aad is bixin karto waayo waxaa markhaati madoon ah xaaska aad qabto 1000 shilin oo aad xoogaaga ugu soo shaqaysa inay ka ga kalsoon tahay ama ka ka jeceshahay 100, 000kun oo qofkale idinku saacido

taasna waxaa ku cad inay naftaada iyo maalkaagaba ay jeceshay inahayga aragtiidana aad bay ugu farxaayaaneey waayo waxaad tahay boqorkeeda ama nolasheda ,

waa labadii is doortee isku uursamadee ubad khayrle kala hala ee ilaahay u nimceeyey

waxaa taas sii dheer inaad uyeelato samir iyo dulqaad saayid ah waayo dumarka waa nimco ilaaheena wayni uu inoogu nimceeyey marna waxaa laga abuuray feedh qaloocan hadaad is tiraahdo toosi way jabaan waa inaad u dulqaadata waa hadii ay dhabkaatahay inaad qoys abuurto waxaa hore loo yidhi haween u samir ama ka samir .

Hadaan dib ugu noqono wakhtigii hore somalidu u soo martay waxaa la ahaa dad dhaqan leh oo islaam ah ilaa 1000 Awoow dadkuna waxaay lahaayeen xeer aan la dhaafi karin oo aan ku dhaqano waxay dumarku ku jireen kaalinta ugu qaalisan bulshada dhexdeeda, dumarkuna raga aad ayaay u ga danbeeyen aadna way u sharfi jireen may aheen gumaysi dumarka la guumaysato lakiin waxaa ku jirtay danta reerka, umadkasta oo aduunka ku noolna waxay lahayd dhaqan hadaan xeerkii hore aan dib u fiirino dumarku waxaa loo doonan jiray reerkay ka dhalatay haduu aabaheed nool yahay waxaa loo gogal dhigan jiray familka ay ka dhalatay si sharaf leh , hadii la isku afgarto arintaas waxaa la bixin jiray sooryo iyo yarad noocay doonto ha ahaatee , inkastoo xoolo lakala qaadan jiray xilaagas oo aanu doolar jirin habadnaato ama ha yaraatee

gabadha iyo wiilka la isu doonayo waxaa laga yabaa inay hal habeen is arkeen ama ceel xoolaha laga waraabiyo isku arkeen siday noqotaba waa la isku dooni jiray waayo somalidu intii isku dagaana ah way is taqaanay waxaana kuu cadayanaysa Maah maahda tiraahada Wax Layqaan Guurso wax la yaqaan hakuu Dhashee , somalidu Waqooyi iyo Koonfur meel kasta oo ay joogto waxaay ka sinaayeen xurmaynta dumarka ama Qiimaynta dumarka , waayo dumarku waa lafdhabarta guriga ninkstoo inga mid ah na waxaa lagu soo dhaqay gurigooda wanaag,

You've reached the end of published parts.

⏰ Last updated: May 01, 2009 ⏰

Add this story to your Library to get notified about new parts!

Somalia . Dooqu Waa CajiibWhere stories live. Discover now