Malaa'ig duureed

116 3 0
                                    

Waa aan kuu xiisay. Si xad dhaaf ah ayaa aan kuu jantay. Waligey isma oran waa aad is waayaysaan. Wayse dhacday! Waa aan is kaa siiyay. Wax kasta oo aan lahaa ama ahaa ayaa aan kugu aamminay. Ma xusuustaa is barashadeenni layaabka lahayd? Haa dheh! Sidee u iloobi kartaa? Jamallada waaweyn ee xeebta Liido ayaa aan ku akhrinayay buugga "Ayaan daran." Galab laydh qaboobi jirto ayaa ay ahayd. Kolki aad ka soo muuqatay dhanka gabbaldhaca, ayaa uu i galay dareenkii ugu horreeyay. Dareen sees u noqday waayo jacayl ah. Waligayba waa aan ku aqaannay malaha. Maya'e dookheyga ayaa ku yaqaannay! Inti aan soo qaangaarayba sawirkaaga ayaa aan laabta ku sitay.

Rumayso ama ha rumaysan! Waa sidaa xaalku.

Qofka kaliya ee aan la nolaashiyihiisa xiiseyn jiray isla markaana aanan aqoon ayaa aad ahayd. Marki aad xaggayga usoo laafyoonaysay, aad ayaa aan kuu dhowrayay balse ma aan moodayn in aan mar kaliya ku soo jalleecay. Hir biya ah ayaa aad ka boodday si aysan kabahu kaaga qoyin. Muuqaalkii ugu horreeyay ee i dhaawacay kolkan ayuu dhashay. Maxaa aan arkay horta? Kub cad oo murqa leh ayaa aan arkay. Fallaaraha cadceedda oo ku dhacay nuurka dhabankaada oo aan ka dhex daawanayay buugga xaashiyihiisa cadcad ayaa aan arkay. Murugadi Asli ee aan akhrinay, ayaa ay nuur iiga dhigeen. Alla qurux badnaayaa foolkaagu. Midabkaagi dahabiga ahaa, sanqaroorkaadi taagnaa iyo sunniyahaaga dhicanyada is ku hayay waxa aan hubaa in ay ahaayeen abuur Eebbe oo aad dheertahay hablo badan. Noocaaga oo kale reer miyigu "malaa'ig duureed" ayaa ay dhahaan, qolyaha suugaan


daneeyaayina "suleekha" ayay ugu heesaan, jannadana "xuurul-cayn" baa laga yiraahaa. Kolki aad fariisaneysay dhuxunka igu xigay, dhowr jeer ayaa aan dhex iska celiyay aniga oo doonayay in aan maro kaa xijiyo qoyaanka jamalka! Qoyaanka ay hirarka biyaha ahi jamalka saareen. Boorsadi aad sidatay sidii ayaa aan u xusuustaa! Midabkeedi cowlnaa sidii ayaa aan xiska ugu hayaa. In kasta oo marka aan gabar kale ku arko aan dhagixii dul fariisto, haddana ma hilmaamo.

Buugga aad kala soo baxday boorsada ma u maleysaa in uu aniga iga hadlayay –"Someone To Love Me." Xaqiiq qofka hadda ku jecel waa aniga. Ka hor falkii quruxda badnaa ee wax badanna sababta u noqday inta aadan sameyn, halkii saac ee aan meesha fadhiyay ma rumeysaneysaa in aan hal bog oo buuggii aan sitay ahaa akhrin? Layaab ayaa aad u qaadan doontaa! Laakiin halkaa saac waxa aan akhrinayay wajigaada. Alla maxaa naxariis ka muuqatay. Sida oogta waaberi ayaa uu u ifayay. Sunno ayaa ka muuqatay. Hal mar ah ayaa aad igu qabatay aniga oo ilqooreedda kugu xadaya. Waa kolkii labaad ee aan dhaawacmay. Alla madow badnaayaa afkii aad iigu dhoolla cadeysay. Oo maxaa aad iigu dhoollacadaysay? Maxaad iga dhibaysay? Jacaylku waa dhib! Ilkaha aan kala-dheerada lahayn ee sida qurxoon ugu safan faruuryahaaga hoostooda ayaa cajiib kale ahaa!

Haddii aanad i soo dul istaagi lahayn run ahaan halkaa ayaa uu gabbalka iigu dhici lahaa. Ma illaawin hadalkaadi koobaad ee dhagahayga ku soo dhacay ee ahaa "dear sawir ma kula geli karaa"? sabab kale sidaa uma aadan oran oo waa aan hubaa, ee timahayga weyn ayaa si sixir ah kuu soo jiitay.

Tamahaygoow Ilaahay wax idin bidiya iyo bidaarba idanka dhowr. Sababta aad sidan u yeeshay waxa ay ahayd sheeko aad ku maqli jirtay darteed. Soomaalidii hore waa ay timoweynaan jireen ayaa aad dadka ka maqashay. Aad ayaa aan ugu farxay kolki aad sidaa i tiri –"dear sawir ma kula galaa". Waxa aan aamminay in aan ku helay. Isma ogeyn markii aan is taagayay biyaha dhexdooda laakiin waxa aan is gartay marki aad igu tiri "sorry kabihii ayaa kaa qoyay." Jawaabteyda waa aad sii garaneysay in ay noqon doonto "dhib malahan". Madaxa ayaa aad ruxday. Taasina waxa aan u fahmay in aad jawaabteyda ku qanacday.

You've reached the end of published parts.

⏰ Last updated: Feb 08, 2020 ⏰

Add this story to your Library to get notified about new parts!

Malaa'ig duureedWhere stories live. Discover now