Waqtiga iyo waayaha ayaa ka hiishey kuna sii daayay hayjad iyo hayaan uu marwalba ku hamiyo ka haajiridiisa umana helin hanti iyo hiil uu kaga bixi karo humaaga noloshiisa hooska galiyay...
Waxa aan ka hadlayaa 40jir habeenkiisa iyo maalintiisu ay ku egtahay riyo iyo raaf wareega maalmo mugdiya, sawirashada iftiin iyo alalaas nololeed iyo aaminsiinta naftiisa inay guushu dhowdahay.
Waa qaadaa ma dharge quudkiisu ku koobanyahay afar laamood iyo afar malqacadood oo bariis cad ah haduu maalinkaas xasuusto, waxaase u dheer hamiga uu wadadiisa kasii jeedo iyo howlaha nolol tan dhaanta. Maalintiisu kama badna hurdada doqonsiisay habeynkiisuna waa u harjad iyo heeso qaaraami ah madadaalo iyo muusig, mirqaankuna waa ayaantiisa. Fiidkuu intaas isla waayo bayse u darantaha hurdo ma jirto haasaawena maba yaqaan! oo maxaa u diiday? Malaha maba uusan baran, mayee waqti buu u waayay... mooyi !!! Habeynkaasu isla hadlaa canaan iyo cay iskugu dhaqaaqa, ciil iyo caro isla hiifaa cafis iyo caloolyowna galaa, maxayse kuugu taala gunaanadkiisu maadhaafo guushu waa dhowdaha. Xagee ka dhowdaha? Asagaa og!!... Asxaabtiisa ay isla qaraabtaan qaar ayaa nololshiisa ku waaniyay inu badalo oo uu guursado guri iyo gayaana yeesho golahaasna uu kasoo waabariisto wayse fiicnaan lahayd haday waxkasta sidooda u dhici lahaayeen.
Kadib markii uu cimrigiisii dahabiga ahaa kusoo qaatay maalmo kharaar badan, waakan subax kusoo waabariistay dhabar xanuun iyo dhafoor wareer, maskaxdiisa waxaa ka guuxaya malaha xala ayaad si qaab daran u seexata amayse wax kaa gaareen dhabarka, mayee waa iska xanuun fudude ha u aabo yeelin. In door ah ka dib waakan xanuunkii kasii daraya kudarsoo waaba sii faafaya oo kor iyo hoosba usii raacaya arax iyo adinba, iminka wuu taahayaa mana yaqaan waxa ku taagan, war i duuga oo masaajo i mariya waxa i hayaan aqaana waa roomatiisiimo, mayee fadhi baa u baahnahantahay ayay isjugu war celiyeen asaga iyo koox qarabdiisa ahayd oo xafada la joogey. Waa la daliiga oo la duuga mase ku diirsan. Nagata!! War dhabarku waa halise ina kiciya aynu ditoor kaahiye aadne oo ninkaan so tusnee ayay isu sheegen ayagoo u kaxeeyey goobtii dhakhtarku fariisto si ay ula tacaalaan.. Adeer halkaan soo fariiso sidee lagu haya? goormaa lagu qabta? Ma wax culus baad qaada? Amaa jug hore jirtay? Iyo su'aalo kale ayu diktoorkii waydiiya waxayse ku dhamaata sheeko humaag ah iyo cudur aan la garan, intaas marki la isla marayo ayu diktoorki yiri adeer xaas ma leedahay? Waxayse ku noqota su'aal adag! Ma xaas iyo xile buuba yaqaana ninkaani afkiisa waxa ku wareegayaa qaad iyo qarow baan qaba mase soo tuurin. Maya ma qabo horayna uma soo guursan ayuu ku hadaaqay. "Haa adeer dhib badan ma qabtid naso oo iska daa socodka badan kiniinyadaana yarka faramashiyaha kasii qaado" waxaa intaa ugu warceliyay diktoorkii waxaase hadal nabar ah ku noqotay su'aashi xaas ma leedahay?
Haatan wuxu ogyaha in uu waqti badan oo dahabi ahaa soo lumshey balse wuxuu ogsoonyaha sidoo kale inuu wali jaanis badan haysto inkastoo geeridu tahay waqti ma sugto , cawa wuxuu inbadan ka fakaray meeshuu howl ka bilaabi lahaa. Mida aad ilma adeerta tihiin ee xafada titimaada maad la sheekaystid!! oo waa ayada hadba dhinac kuu soo fiirisa marwalbe laftirkeeda midhaa damac baa kaa galay, laakiin waa iska sodon iyo maalmo jir, oo makaaga daraysaa sow is dugsan maysaan, haa..haa.. ayaduba waa ruux dareen leh oo ilmo iyo awlaadba u baahan sidaadoo kale, Oo balo qabtadu haday ku rabto may kuu dan sheegato sow ina adeerkeedii marwalb dhibka la wadaagi lahaa ma tihid... maya waaa gabar xishood baa af-xiraya.... wuxuu inbadan ku jiro isla hadal iyo sheeko uu ku kaliyahay ayuu ka warhela qof dul taagan. War Bulaale setahay? Kawaran dhabarkii? Diktoorku maku daweeyay? Iyo su'aalo kale Waxaase kasii cajiibsana qofka su'aalaha waydiisay inay aheed gashaantidii uu riyada ugu golon-golsanaa. Allaah! Nasiibku wacanaa, waxay aheyd inu haadkiisa iyo hadaladiisa tuurto waysa hareer martay