Part 1

243 14 6
                                    

Qeybta kowaad

Magacayga waa bilan dadaydu waa 26 jir tanina waa shekadeyda

Sheekadaan manoqon doonoto mid kaa farxiso ama kaa qosli so , ama iguma raaci doontid qaladyada aan galay noloshayda iyo goamanka aan qaatay.

Waxaan ku dhashtay magalaada muqdisho kuna soo barbaray halkaas, hoyaday iyo abahay waxay ka la tageen inta anan dhalan oo fursad aa ku barto hooyo iyo aabo ma anan helin ayeeydey iyo edooyinkey ayaan kusoo dhaxkoray inta aan noolaay abahay 2 mar unban arkay hoyadayna telfoon unban kawada hadalnay

Hoyaday waxay ku noleed imaaraatka oo halkaas ayaa lagu qabay, abahayna mareekanka ayuu xaas iyo caruur ku lahaa, hoyadey iyo abahay waxay ahayeen isku iskuul oo ayagoo is qabin ayaan aniga caloosha hoyadey igu qaaday, qoysaskooda markii ay ogaadeen ayay si qasab ah isugu guriyeen si ay isugu ceeb asturaan markii ay bil is qabeen ayay kala tageen.

Qoyska dhanka hooyadeey waxay dayriyeen hoyadey iyo anigaba oo nooma aqoonsaneen inan ka tirsanahay

Hoyadey markii ay I dhashay waxay igu soo turrtay ayaydeey abahay dhashay oo iyadan tahriib ayay waxay ku aaday imaaraatka.

Abahayna wuxuu fursad u helay inuu markii udhameeyay iskuulka sare uu ameerika wax barasho u aado, uusan halkaas kasoo noqon.

Ayaydey iyo eedo yashey ayaa magaca bilan ii bixiyay lkn inta aan kasoo garayay dada 4 jirka wax magac ah ma anan qabin

Marwalba ayaydey waxay idhihi jirtay waxaad raaci doonta wadadii ay hooyada martay intaan xasuustaba, bilan wecel ayaa la I oron jiray

Aad ayaan u yaraa waqtigaas oo 15 iyo 14 ayaan ahaa markii aan bilaabay ina aan is waydiiyo sababta hoyooyinka ay igu diidi jireen caruurtooda in ay iga soo ag dhowaadan ama aan isla ciyaarno

Dugsigayga hoose markaan bilabay macalimiinta iyo ardaydaba waxaan u ahaa riwaayad oo aniga unbay iga hadli jireen,

Macalimiinta badankood waxay igu reeban jireen fasalka waxayna I waydiin jireen suaalo qaab daran sida

In aan la hadlay hebel iyo hebel ama hebel iyo hebel ay gurigooda igeesteen sida soo gaartay

Hoyooyinka maalin walbaa waxay imaan jireen iskuulka oo maamulka ayay igu dacween jireen sababta oo ah gabadhooda yaan haleeyay oo wax yaabo qaldan baray ayay ugu edeen jireen

Sida caadiga ah gabarwalbaa oo dugsiga ila dhigtaa hadii ay wax anshax xuma ah sameeso qaladka aniga ayaa la isaari jiray oo horaa looyiri wixii xunba xaawa leh, hada sheekada waxay tagtay wixii qaldanba bilan baa leh

Maxay tahay waxa ciqaabtaas oo dhan aan umaray is waydii bal? jawaabta ayaa ah inaan ahaa wecel anan leheen hooyo iyo aabo midna

Qaladkayga ayaa wuxuu ahaa in aan dhashtay oo aan jiro, intaas ciqaab igu filan in aysan ahayn guriga markii aan ka imaado dugsiga waxaan ka haa booyasad.

Run ahantii noloshayda ma aysan sahlaneen markaan soo korayay

Markii soo garay dugsigayga dhexe waxaan is baranay qaalid oo markaas kusoo biiray iskuulka, o isagana ahaa wiil curyaan ah anan socon Karin,

Saxiibti nimadeena waxay soco tay ilaa iyo dugsiga sare aan kasoo garayay kabacdi hoyodiis iyo walalahiis ayaa soo ogaaday sida aan aniga iyo qaalid marwalba uwada joogno oo aan isaga agdhownahay markii dugsiga lajooga iyo sidaan u haleesanahy oo hooyo iyo aabo I ceshto aysan jirin oo waxa aan rabo iska sameeyo iyo wax yaabo kaloo aanan jirin oo dadka kusoo aqriyeen.

Qalid malinkaas waxaa lagu dhex garacay iskuulka dhexdiisa iyadoo hoyadiis ku qaylineeso maxaa kugu saladay weceshan oo aad uga ag dhowdahay marwalbo.

Hagaag saxibtinamdii aniga iyo qaalid markaas ayaa u danbeesay

Aniga ahaan bilan markii loo imaad waa sax inaan cidlooday oo qoys marwalba igarabtaan anan helin hoyo jecelkeed iyo aabo anan arag lakin ugu yaraan waxaa helay aqoon oo aan kaga baxsan doono aaduunkan qariban ee aan kusoo dhexkoray, marwalbo sidaas ayaan isku sasabi jiray

Markii loo imado wax barashada aad ayaan ugu dadaali jiray oo dugsiga qofka kowaad ayaan ka haa sabab kale oo ay ardadoo dhan igu neceb yihiin iyo walidkood

Run ahaantii xagga wax barashada macalimiinta xintaa way ila yaabi jireen fahankayga iyo dadaalkayga, wax barashada wax iga bixin jiray adeerkey oo muadin ah oo aan balan islagalnay hadii uu dugsiga iga bixinayo waa in aan guursadaa dugsiga sare markii aan dhameeyo

Si kale hadii aan kugu fasiro waan in aan usoo gudaa lacagtii uu wax barashada igaaga bixiyay anigoo gursan doono qofkii uu iidooro.

Xagga caqli wagaas ma aqaan meeshan ka keenay markaan heshiis kaas la galayay waxy dadaydu ahayd 12 jir oo markas ayaan bilabayay dugsiga dhexe oo dugsiga hoose lacag laaan ayaan lagu dhigan jiray wax barashada

Markii aan balantaas la galay adeerkey wuxuu bilabay in uu iga bixiyo wax barshada kaliya mahanee bug iyo qalin walba oo aan u baahdo. markii lasoo garay xilligii qalan jabiska dugsiga sare adeerkey wuxuu isoo diyaariyay in kabadan 10 nin oo diyaar ah in ay iguursadaan, kan ugu diinta wanagsan ayaan kaga doori ayuu igu yiri si dhira naan ku jirta iyo farxad, oo micnaha saxdaa ah ula jeedo kan ugu lacgta badan.

Qof waxaan ahaa laf leh oo hoyadeed ayay ka raacday quruxda dadka oranjireen wagaas.

Dugsiga sare imtixaanka waxa aan noqday qofka ugu sareeyay magalada oo dhan sidaas awgeed waxaan helay deeqo wax barasho oo isugu jira kuwa dibadeed iyo kuwa dalka

Magacayga maalinkaas idaacad iyo talifishin walba ee qarada waa laga soo dayay, maalinkaas waxaan dareemay dareen I badalay oo ah in aan noqon karo wixii aan rabo aana badali karo mustaq balkayga iyo magaca ay hoyadey iyo abahayba iga tageen.

Ayaydeey iyo edooyinkey waxay bilabeen in ay iga soo agdhowadan malinkaas haddalo aan ka filaneen in ay igu yiraahdaan, faan iyo galgacayl aan waxba ka jirin in ay itusaan, adeerkey wuxuu bilaabay nimankii isoo dononayay inuu lacag aan waligey way jirtaa is oronayany in u sheego sida in aan ahay xoolo beecoda kor ukacay oo kale.

Lakiin waxaa ii diyaarsanaa qorsho aan dagayay ilaa aan bartay sida wax loo qoro iyo wax loo xisaabiyo ah.

***********************************************************

Jacayl Aan Filayn Where stories live. Discover now