part 2

85 3 4
                                    

Waxaa ii dagsanaa qorshoyaal badan oo ay kamid yihiin in aan sumeeyo qoyskayga oo dhan si aan waqti ka fog oo aad ugu dheer ugu soo qaato xabsiga lakiin qofkii qof dilaa asagana wala dilaa sharciga meesha aan ku noolaay ayaa sidaas dhigayay, waxaa kaloo ii dagsanaa in aan kaligey baxsado oo aan ka tahriibo lakiin taasina waxay kaa rabtaa in aadd taqaano dad badan iyo lacag in aad haysato,

Qorshayga ugu wayn wuxuu ahaa in aan ka dhuunto qoyskayga oo aan deeqda wax barsho aado lkn ma iisurtoobeyso sababtoo ah waxaa loo baahan yahay in an samesto aqoonsi.

Lkn qorshaha ugu macqulsanaa waqtigaas ayaa wuxuu ahaa in aan isla baxsano qaalid oo an is guursano anigoo ka faa idaysanaaya dhoofitaanka wadanka banaankiisa isaga iyo qoyskiisa rabeen in ay aadaan.

Qaalid markii uu kusoo biiray dugsiga oo aan wax badan ka ogaaday warbixintiisa iyo meesha wax umarayaan waxaan goaan ku gaaray in aan ka ag dhowaado si aan uga baxsado qoysayga.

8sano oo aan isku dugsi ahayn qalid waxaan ku abuuray jacayl been ah, aniga ahaan wax jacayl ah uma anan qabin oo maba aqoon sida wax loo jeclaado, mana rabin in aan wax jeclaado inta noloshayda kadhiman,

Nolosha aan kusoo koray jacayl iyo qaraarkaa waxay ahaayeen isku kay mid hamigayga iyo himilkayga ugu wayn waxay ahayd in aan ka baxsado qoyskayga waxay doonato ha igu qaadato,

Aana is hormariyo nafsiyan iyo nololba. Waan ogaa ficilka aan sameyay oo ahaa in aan qaalid ku abuuro jacayl been ah si uu iigu waashto ugu danbeena uu seexan waayo aniga dartay cuntana u cuni waayo. In ay tahay qalad lakin xalada aan ku jiray waqtigaas kama anan kafikiri Karin wax saxsan iyo wax qaldan.

Meel waxaa iga taagnaa adeerkey oo I beec geenaya meelna waxaa iga taagnaa ayaydey iyo eedoyinkeey oo raban in ay igu shaqeestan. Hoyo iyo aabo waan lahaa qoys dhameestiran aduunka way ii joogeen lakin waxaa ku ahaa kuna dareemi jiray cidlo iyo cariiri.

Neef walbaa oo iga soo baxdaa ama aan qaata waxaan ku hami jiray in ay noqoto middii ugu danbeesay ee iga baxda ama aan qaato, ilma yar oo 12 jir ah inuu sidaas ku fakaro mahan wax bini adamada kujirtaa.

Markii aan suuqa aado oo aan arko ilmo walidkood lasocdaa waxa kaliya oo aan ku fikiri jiray ayaa ah madareemi doonta waxay dareemyan. Ciida markii lagaaro oo aan arko cilaan ama henna usaaran gabdhaha facayga, xanuun ayaan dareemi jiray.

Qorshaha kaliya oo aan kalahaa qaalid ayaa ahyd madaama uu kaha wiilka kaliya reerkiisa ay qabaan cuuryaana uu ahaa madayrin doonan, hadii uu igursado aniga.

Marka waxaan qorshaysanay aniga iyo qaalid markii aan dhameeno dugsiga sare in aan habeenkii isla baxsano oo aan isa soo mehersano.

Malinkii aan imtixaanka dhameenay habeenkedi ayan fulinay qorshaha aan isla dagnay aniga iyo qaalid

Maalinkii ay qaalid qoyskiisa isku diyaariyeen safar ah in ay ticket yadooda goostaan ayuu arinkii u sheegay qaalid qoyskiisa in aan isla baxsany oo aan is guursanay.

Hagaag wixii dhaxmaray oo sax ah masheegi karo lakiin waxaan xasuustaa qoyskiisa in ay u yimaadeen ayaydeey iyo aderkey maalin jimco ah, markii ay katageen oo ay wada hadleen ayaa adeerkey igu dhahay kama fileen sidaan si xanaaq iyo labolabo kujirto.

Ayaydeey intaay iiwacday ayay igu tiri caleenta meel aan geedkeeda ka fogeen kuma dhacdo, ilaa iyo ma fahansani waxay kawado muhiimadeydana mahan in aan fahmo

Waxaas waxba igma galin aniga waxay dareemayan iyo side iga filayen ba ujeedkayga wuxuu ahaa in aan kabaxsado oo aan ka

Waxa kaliya oo aan ku dadaalayay ayaa ah sidii aan ujili lahaa xaas la qabo iyo qorshaha ku xigi doono talaabadan aan ku dhaqaaqay

Vote

Comment fikirkaaga waa ii muhiim

Mahadsanidiin

You've reached the end of published parts.

⏰ Last updated: Oct 10, 2022 ⏰

Add this story to your Library to get notified about new parts!

Jacayl Aan Filayn Where stories live. Discover now