- I -
Diiq baa dhawaaqay. Mid kalaa ka jiibiyey, wadaad baa u marag furay. Aamuskii madoobaa buu addin kala dhex kacay. Ka baxshaa ba'ay. Alalaas baa afarta jaho is-qabsaday. Digaag aleeggadaya. Wadaaddo addimaya. Dameero orinaya. Dhallaan ooyaya. Dumar aamusinaya, iyo wixi la mid ah. Aaway dunidii daqiiqado ka hor shibta ahayd? Diiqii dhawaaqay baa dambigaas iska leh. Inta kale waa dameeri dhaan-raacday. Dawankaas iska daba dhacay dulucdiisa la garey. Waa sagootiskii habeenkii dheeraa. Waa soo dhaweyntii waaberigii wax badan la sugayey. Maalin taariikh leh baa madaxa keentay. Waa kala bayrkii u weynaa taariikhda nolosha Maana-Faay. Juu ama jaa. Jab aan laga kaban iyo jiritaan wacan bay maanta mid u jahaysan. Jid saddexaad ma jiri karo.
Been ma sheegin murti-dhaarigii laga maqlay, laba kala bariday kala war la'. Waagaa beryey waa 13kii bisha Mowliid. Guryo Xamarweyne ku yaal farxad buu ula beryey. Guri Boondheere ku yaalse murugo iyo walaac buu ku soo balleeyey. Guryaha Xamarweyne ku yaal waa reer Xaaji Muumin iyo reer Aw- Mukhtaar. Waxa farxadda ka keenaya waa arooska afar-geeska ah ee hawlihiisii maanta loo wada heegan yahay, nikaaxiisiina caawa Iagu qorsheeyey. Guriga Boondheerena waa reer Ciise-Dheere oo Maana-Faay ilaa shalay dulsaar ku ahayd, murugadana u keentay. Habeenkii tagay, hammi iyo hurdo la'aan buu ku dhaafay.
Aweys Xaaji Muumin waa qofka ugu farxad badan dadka subaxaas Xamarweyne waagu ugu beryey. Gacalisadii Jiija ayuu habeen dambe afar gidaar dhexdood albaabka hoosta uga xiran doonaa, isagoon cidi la joogin, cidina u jeedin. Laguna ceebin mayee waaba lagu bogaadinayaa. Alla dahabsanaa! Waxa uu sameyn doonuu ku sii riyoonayaa. Muuqaalkii uu soo baxaaba farxad buu ku sii biirinayaa. Intuu is-illaawuu keligii isu qoslayaa. Markuu isgartana hareeraha iska eegayaa. Marmarka qaarkoodse wuu isku naxayaa. Siduu imtixaanka uga gudbi doonuu ka welwelayaa. In uu wax khalduu ka cabsanayaa. Habeenkaas Aweys laba indhood isuma geyn. Sida walaashiise murugo iyo madax-xanuun lama hurdo seegin. Farxad iyo fikrado is-jiirayuu la gam'i waayey.
Jiija qudheedu kama yaraysatee, wayba ka horraysaa. Adduun kaloo ay ka fekertaaba iyada uma jiro. Waxaase farxadda ka jiiraya, dareen yaxyax iyo mid baqdineed ee markay in yar faraxsanaataba ku soo boodaya, sidii calool xanuunkii. Waa makhabiyo guri-joog ah, oo la yiri boqollaal qof baa maanta hawshaada keliya u heellan, habeenka arooskana hareerahaaga tuban ee adiga uun ku daawanaya; ugu dambeystana nin baa aqal cidla ah la isaga kiin tagayaa, irridahana hore la idiinku sii ooday. Idinka lee waaye! Aabooy-aabooy, amuur ahaa taasi! Xumaayoo fiicanaa. Fiicanaa, fiicanaa! A'aah! Wallaahi baxaraa lagu jiraa!
Abuukar Aw-Mukhtaar farxad la sheegaa kama muuqato. Ninka arrintu khusaysana uma eka. Waa jirjirroolaynayaa. Reer uu isagu ka taliyo iyo naag aan cidi la wadaagin, cawiyo maalinna diyaar u ah, markay ku soo dhacdo, wuu isu bogayaa. Mas'uuliyadda fuuli doonta iyo magaalada uu ka xirmi doono markuu soo gocdana wuu is-xumaynayaa. Muxuu u sheegi doonaa gabdhihii saaxiibbadiis ahaa, ee ay 'Ciyaal-biidka' isla ahaayeen, caweysyadana isla darandoorrin jireen tumashada cawo kasta carcarta cusub leh? "Yaakhay arooskaan dhibkiisa ma iga dhaaftiinoo," ayuu markaas hoos ugu gunuunucayaa, korse uma oran karo. Laba daraadle waxaa wadne-fug ku riday burutokoolka arooska. Wuxuu garan la' yahay waxa uu ku hadli doono iyo sida uu isu ekeysiin doono saacadaha badan ee uu isagoo jaakaysan, aroosad iyo laba malxiisna ku dhex jira u taagnaan doono qaadashada hambalyada iyo salaanta dadka faraha badan ee ka soo qayb galaya xafladda arooska. Saacadahaas xasuustoodu waxba ugama duwana xabsi ay ku xukuntay maxkamad aan rafcaan lahayn.
Haddii taladiisa la tixgelinaayo wuxuu codsan lahaa in qoftiisa tartiib aqalka loogu soo geliyo, ama iyaduba gurigeeda keligeed iska timaaddo, rabsho la'aan. Maxaa jira dhibkaas iyo buuqbuuqaas!
Hayeey, hayeey! Haddana cabsi kalaa timid. Isaga iyo gabadha madaxa loo geliyey, markay isku keliyeystaan, ee afartooda indhood afar gidaar dhexdood isaga soo horjeestaan, muxuu fali doonaa? Xaggee buu hadal uga bilaabi doonaa? Asalkaba ma hadal buu hawsha ku bilaabi doonaa mise ficil? Ficil aa? Oo ficilkaasi muxuu noqon doonaa? Iikar wuu argagaxay, ammuurtaasi way la cuslaatay. Aaway geesinnimadii uu gabdhaha dadow ku kala shabin jirey, shukaansigoodana ugu bisa-bisoon jirey? Xaggee ka baxday dhiirranaantii uu ku khash-khashi jirey hablo uusan hore u arag, halkaasna kula qabsan jirey? Maxaa ka qaaday codkarnimadii uu saaxiibbadii ugu faani jirey inuu gabdhaha caqliga uga xado? Sidee uga argagaxay una garan la' yahay eraygii uu afadiisa xalaasha ah albaabka jacaylka uga furi lahaa? Weliba qof qalaad ma ahee waa Maana-Faydii adeerkii dhalay ee uu ag joogay ilaa ilmannimadeedii. Waa tii uu si walba u yiqiin, si kastana ku arkay. Iyadoo qoslaysa, iyadoo ooyaysa, iyadoo ciyaaraysa, iyadoo qaawan! Iyadoo xashaashaysa, iyadoo hurudda, iyadoo soo jeedda; si walbaba waa u yaqaan.
YOU ARE READING
Maana-Faay
General FictionNovel ama sheeko af Soomaali ku qoran, oo aad u xiiso badan. Waxaana qoray qoraaga weyn ee Maxamed Daahir Afrax.