- I -
Saacaddu waa shantii galabnimo iyo shan iyo soddon daqiiqo. Ciise-Dheere iyo afadiisii, Leyla, qolkoodii jiifka ayay dhex taagan yihiin. Leyla waxay ku hawlan tahay sixiddii u dambeysay ee ay ku tifaftiraysay labbiska ninkeeda. Shaatigii ay galabtaas u doortay bay saxarro aan jirin sacabka ka marinaysaa. Badhammadii ay xirxirtay bay mid furan ka fiirinaysaa. Kulleetigii ay hore u taagtay bay toos-toosin kale ku dayaysaa. Kabihii ay haddeer dhalaalisay bay habaas ka eegaysaa. Timihii hore looga shaqeeyey bay intay shanlayntiisii ku hallayn wayday sacabbadeeda ku sinsimaysaa. Barafuun ay hore u soo dhawaysatay bay ku buufinaysaa. Markay kor iyo hoosba ka hubisay, meel damboo hawli ugu harsan tahayna korkiisa ka wayday, ayay eegmo macaan indho jacayl ku milicsatay, dhoolla caddayn faraxsanna dhag uga siisay. Judhiiba wuu gartay dhoolla-caddayntaas micneheedu in uu yahay, "Gacaliye, waan kuu dhammaystiray dhisid iyo xashaash!" Intuu dhoolla-caddayntii dhadhanka wacnayd dhankiisa ka muujiyey buu si macaan u yiri, "Mahadsanid Gacaliso!" dhegta hoosteedana dhunkaday. Mar labaad baa la is muxubbo-eegay. Waayirro baas baa durba is taabtay. Iyadii baa is celin weyday. "Haw" bay ku soo tiri. Hanaqa laabtay ka halabsatay. Qoortiisay wajiga ku xabaalatay, iyadoo leh, "Waa ku jeclahay macaanow."
Shumis baa la isku boobay, sidii dad muddo dheer isu harraadnaa. Kuwii haddeer halka go' ka soo wada baxayba ma aha!
Markii la kala hamuun gooyey buu Ciise hore u soo baxay. Waa xilligii uu galab kasta beledka u dagi jiray, markii uusan shaqo ku laaban ama Leyla meel u wadayn. Markii uu laba tallaabo hore u qaaday buu is cululubtay. Qof buu tabey. Intuu afadiisii dib u eegay buu ku yiri, "Kaalay, aaway Maana-Faay, Leyla? Galabtoo dhan dhaqdhaqaaqeeda ma arkine?"
Su'aashiisii Leyla way ku yare adkaatay. Waa mare ma doonayn in Maana lagu soo hadal qaado, carada ay u qabto awgeed; marka kalena ma jeclayn in walaasheed ceebteeda ninkeedu la ogaado. In ay been u sheegtana uma baran, kamana suurtowdo. Sababahaas daraaddood bay u dhibsatay in uu su'aalo.
"Naga dhaaf alcaantaas warkeeda," Leylaa jawaabtii ku soo koobtay.
"Maxaa dhacay? Xaggee bay aadday?" Ciisaa si qoonsi ku jiro ugu celiyey, intuu dib ugu noqday.
"Taas waa hallowday!" Leylaa u raacisay, markay aragtay in uusan ka dhaafayn.
"Waa hallowday see ah? Gabadhii maxaa helay?" Ciisaa waydiiyey.
Xalay Ciise wuxuu soo hoyday goor damboo la hurdo. Saaka shaquu u kallahay. Maantana xilli dambuu soo rawaxay, markuu qadeeyeyna hore ka seexday. Markaan uun buu dareemay in uusan dumaashidi dhawaan arag. Aad buu u daneeyey arrinteeda. In war buuxa laga siiyuu isku taxallujiyey. Warkii buuxay Leyla way u gudbisay. Wixii dhacay shaacay uga qaadday. Amankaag iyo yaab bay ku noqotay. Afadiisii buu dhaliil u jeediyey, "Aad baad u fududaatay, Leyla! Intaas in aad ka deggan tahay baan ku moodayey!" Ciisaa ku darraabay.
"Maxaa jira?" Leylaa kula doodday. "Naag saacaddaan qayilaad iyo inoo rufyaan minankeed ku dhaxdo ii bilowday maan soo dhaweesahaa? Ma soo dhaweesahaayo; taas dhub Alla ha siiyo, abkey Jiilaani waayee!"
"Maya Leyla!" Ciisaa ku diiday. "Dhawr arrimood oon loo baahnayn baad samaysay gacaloy! Marka ugu horraysa, maxaa gurigeenna keenay fataaladdaas kabihii nabiga liqday? Marka xiga looma baahnayn in aad gabadha u dirtid, waxay ahayd in aad tiraahdid halka noogu keen haddaad dhar haysid."
"An maa ogaa waxay tahay, xalay lee la ii sheegaye, xiska a laga bac dhawee!"
"Marka saddexaad, ma ahayn gabadha in aad xalay halkaas uga soo tagtid; waa khaladkii u weynaa, saakana looma baahnayn in aad erido. Eryiddu waa khaladka ugu weyn ee waalidku ku kacaan, markay gabdhuhu gef sameeyaan. Gabar hal gef samaysay baa la eryayaa, markaasay intay is nacdo suuqa hore u galaysaa; yaa ka mas'uul ah? Sow axmaqnimo ma aha? Hadda gabadhii xaggee jirtaa, ciddiina waa tay aabbe dirirsanaayeenoo ma aadi kartee?"
YOU ARE READING
Maana-Faay
General FictionNovel ama sheeko af Soomaali ku qoran, oo aad u xiiso badan. Waxaana qoray qoraaga weyn ee Maxamed Daahir Afrax.