Waxaan u mahadcelinayaa SOAS Library (Rugta Buug-keydinta School of Oriental and African Studies, University of London) oo oggolaaday in ay i amaahiyaan nuqul buuggaan daabacaaddiisii koowaad ah oo ay ku hayeen qolka lagu ilaaliyo qoraallada aan la heli karin, kuwaasoo aan caado ahaan la oggolayn in qolkaa laga saaro
Waxaan ugu abaal hayaa in ay ii oggolaadeen in aan nuqulkaas maalmo la maqnaado, si dib looga sawiro muuqaalkii koowaad ee galka oo igula habboonaaday in uu saldhig u noqdo galka daabacaddan cusub.
Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Cumar Aadan Qaaddi oo gacan weyn ka geystey suurtagalinta daabacaddaan saddexaad, taas oo Cumar la'aantiis u soo baxdeen dhakhsaha ay u soo baxday.
Qoraha
ESTÁS LEYENDO
Maana-Faay
Ficción GeneralNovel ama sheeko af Soomaali ku qoran, oo aad u xiiso badan. Waxaana qoray qoraaga weyn ee Maxamed Daahir Afrax.