I
Xaafaddani weli waa sideedii: luuq-luuqyadii isu wada ekaa iyo sarihii gaboobay ee la mooday in uu isku fuundi dhisay. Fuundi aan ahayn kuwa hadda jooga ee farshaxanka yaqaan, xisaabtana ku darsan in loo baahan doono waddooyin baabuurtu maraan, iyo dariishado ay ka soo galaan neecawda iyo iftiinka qorraxdu. "Laabkani sow ma ahayn kii gurigooda looga weecan jiray? Sug. Aaway? Sax. Sax! Waa isagii. Waa kaas masaajidkii gaboobay iyo macdaarkii ka sokeeyey!" Sar weyn oo rinji iyo nuuradba ka arradan bay is hor taagtay. Jaranjar dheer oo dhinacyada ka ilka dhacsatay bay kor u raacday. Dabaqa saddexaad markay joogto, ayay albaab furan gar-garaacday.
Maana-Faay oo dadka daaradda fadhiya ku jirtay baa farxad kala hor timid, iyadoo leh, "Weey Sahra! Ii warran abbaaye, yaa ka roon maanta waa soo dheeraatay?" Waa la is dhunkaday, si diirran bay u soo dhaweysey. Maana-Faay qolkeedii baa la fariistay, sheeko dheer baa la galay. Sahra mar kasta waxay ku dadaalaysey sidii ay majaraha sheekada ugu duwi lahayd meel uu ka furmi karo irid doqon-ma-garato ah oo ay ka gasho arrintii ay meesha u timid. Ugu dambeyn irridkii bay heshay; waxay furtay baabka dhallinyarada iyo jacaylka. Maana-Faay way la qabsatay, wayna ka heshay. Wax laga sheekeysto oo ay ka jeceshahay baanba jirin.
"Adigu waligaa wax ma jeclaatay mase lagu jeclaaday Maana?" Sahraa waydiisay, markay soo gaartay waqti ku habboon.
"Allaheey ka alle."
"Hadda nin ku jecel oo kuu dhimanaya hadduu kuu yimaado, maxaad samayn lahayd?"
"Waa soo dhaween lahaa, see waaye."
"Haddaba anigu waxaan arkay nin indhihiisa kaa jeeel, meel uu kaala hadlana waayey; adigay ku jirtaa saad yeelaysid."
"Ha is martiyayn dheh, gacmo furanaa lagu soo dhaweehaa."
Markay saas leedahay waxay u malaynaysaa hadal iska kaftan iyo maaweelis ah, waxay is lahayd kaftanka sii macaani. Markiise Sahra hadalka kaftankii ka saartay, una tustay arrin dhab ah, Maana-Faay way soo giiratay. Intay qosolkii iyo codkeedi macaanaa baddashay bay tiri, "I iih! Abbaay ani jeceel-jeceel iyo nin-nin shaqadayda ma eh."
Sahra Yuusuf siyaalo kala duwan bay isugu dayday in ay Maana-Faay ra'yigeeda beddesho, ee wax la qabato ninka ay ugu warrantay waa ku jeclaaday.
"Xataa hal mar iska arag," bay ku tiri, "Hadduu ku cajabin waayana runta u sheeg ha igu daalin dheh, si uu u quusto."
Markay fikraddaas u jeedineysey waxay is lahayd mar uun iska hor keen, ka dib isagaa maskaxdeeda baddeli doonee. Waxay ugu tilmaantay nin qaali ah oo aan noociisa la heli karin, dhan kastoo laga eego, uma sheegin ninka ay sheegaysaa in uu yahay Injineer Axmadkii ay habeenkii dhaweyd aragtay. Waxay u gashay faallo dheer oo ay jacaylka u tusayso wax la caabudo oo aan noloshu la aantii qiimo lahayn. Waxay uga sheekaysay dhallinyaro is jeclaatay, ka dibna is guursaday, noloshoodiina ku dhammaystay farxad joogto ah. Waxaasoo dhammi waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay. Maana-Faay dhegahay ka awdatay, diidmo qayaxan bay isla soo taagtay, sabab cadna uma sheegan wadeydeed.
Wanaagsanaan lahaydaa in ay shaaca uga qaaddo in Iikar loo caleema saaray. Alaabtii arooskeeda la diyaariyey, aqalgalkeedana lala sugaayo muddada gaaban ee ka dhimman xiritaanka dugsigeeda. Arrintaas Sahra lama socodsiin, si kale uga qarin mayne sheeg-sheegiddeeda iyo hadal haynteeda oo dhan bay neceb tahay. Xataa marka ay nafsaddeeda kala sheekaysanayso way ka khashaaftaa, ma jecla in ay soo xasuusato guurkaas. Waxay isku daydaa in ay is-illowsiiso. Ra'yiga Sahra u soo jeedisayna, sidiisaba uguma muuqan mid istaahila xataa sabab lagu diido in la sheego. Iyadu in ay garaysato iska daaye, wuxuu la ahaa gef aan Sahra qudheeda ku habboonayn, kana qaban in ay ula timaaddo.
Allow qof aan wax ogayn ha cadaabin! Yaa u sheega in ay arrintu intaas ka khatarsan tahay, in ay la socodsiintaasi noqon lahayd gaashaanka qura ee ka badbaadin kara dhibaato weyn oo u soo dhakanaysa! Mushkilad ballaaran oo ay ula soo gurguuranayaan maalmaha ku soo socda!
أنت تقرأ
Maana-Faay
قصص عامةNovel ama sheeko af Soomaali ku qoran, oo aad u xiiso badan. Waxaana qoray qoraaga weyn ee Maxamed Daahir Afrax.