- I -
Fatuurad cad oo kala jiidan baa la soo wareegtay nalka baabuurta kala hora rukunkiisa ku hor yaal Taallada "Daljirka Dahsoon". Koonfur bay u weecatay. Waddada "Soomaaliya" ayay cagta la haleeshay, iyadoo luudaysa sidii wax soo daalay, ama jahadu ka dhunsan tahay ee aan u socon meel la og yahay. Waxay sii luuddaba markay Bangiga Dhexe la simaadkiisa soo gaartay, ayuu nalkeedii dardaray gabar cambuur baalal weyn oo kuwa habeenkii lagu xashaasho ah qabta, kabo cirbo dheerna hore ugu sii taagsanaysa.
Ninkii buurnaa ee baabuurka daadihinayey, markii ishiisu gabadha quruxda badan qac ku tiri, ayuu nalkii iyo socodkiiba yareeyey, hareerahana iska eegay, sidii nin wax maaggan. Gabadhiina intay iftiinka badan dhibsatay, bay waddadii midig uga sii durugtay, saantana hoos ka boobtay, sidii iyadoo ka cararaysa baabuurka kala jiidan ee soo daba higsanaya.
Gabadhu waa Maana-Faay oo Shabeelle tagsi uga dagtay, ka dibna goosatay in ay sii lugayso ilaa Xamar-weyne iyo gurigoodii. Saacadda oo ay dhawaan fiirisay bay mar kale isha ku xadday. Ma xuma. Siddeeddii fiidnimo weli wax baa dhimman. Waxay jeclayd in ay guriga dhakhso u tagto, mar haddii ay ku guulaysan wayday arrintii ay galabtaas u dhuumatay. Markii maanta la qadeeyey, qof walbana sariirtiisa koray, bay iyadu hurdo iska wayday. Muuqaalkii Axmed Jaamac baa maankeeda hor taagnaa. maskaxdeedana mashquuliyey. Waxay galgalataba intay mar qura sariirtii ka boodday bay mayrasho ku dhaqaaqday. Waxay go'aan kadis ah ku gaartay in ay booqasho kadis ah ugu tagto. Ilaa bartamaha Hodan bay socdaal ku sii jirtay. Sartii caddayd ee jaranjarta gaaban lahayd bay isa sii taagtay. Nasiib darro albaab xiran baa ka hor yimid. Axmed galabtaas shaquu ku laabtay. Maana-Faayna niyajabkeedii bay la soo noqotay. Soo bixiddeedii way ka shallayday. Walwal iyo walaac baa uga sii kordhay. Weli iyadaa isku maqan. Waxa hareeraheeda ka dhacaya iyo buuqa ay ku dhex jirto ma dareensana. Dukaammada cammiran ee ay hor marayso, dadka faraha badan ee is garbinaya, gawaarida waalan ee is dhex yaacaysa, guuxooduna hawada buuxiyey, intaba way u war la'dahay. Fatuuradda kala jiidan ee u soo gaatamaysa way moog tahay.
- II -
Odaygii feeraha weynaa ee fatuuradda ku gaatamayey, waa kaas hareeraha fiirfiirinaya, sidii nin baadi ka dhuntay buuqa ka dhex raadinaya. Fatuuradda socodkeedii dhaqaaq-joogsi buu noqday. Ninka odayga ah maskaxdiisiina waxaa kala jabsaday gabadha sii socota iyo khalqiga faraha badan oo ay ku dhex jirto.
Waa bartamaha Xamar oo fiid jooga. "Dadka baas fara badanaa, ma warshad bay ka soo fagmayaan? Baabuurtuna ka daran. Xaggee bay ku qamaamayaan, may noo firaaqeeyaan, wax yarna ha ahaatee? Firaaqo warkeed daa. Wixii ku fiirinayaa ha ku fiirsheene hawshaada iska qabso! Maya. Maya. Meeshaani ma aha meel gabar lagula hadli karo. Nin weyn baad tahay oo sharaf leh. Dadkuna wada yaqaan. Nin madax ah baad tahay oo magac leh. Madaxnimada iyo magacaba markaasoo kalaan nacaa. Xornimaday naga qaadayaan. Nasiib badanaa nin aan cidina aqoon, cidna ka xarig xiranayn! Wixii uu doonuu samayn karaa. Adigu maxaad samayn kartaa? Laga yaabee waxaas hareerahaaga yaacaya badankoodu inay ku garanayaan. Lagaba yaabee in ay kugu soo baxaan kuwii aad dhashay ama kuwii kula shaqaynayey ee aad madaxda u ahayd. Jinni baa wax dhala! Balaayaa madax noqota! Bal eeg bocortaas ay na seejinayaan! Qoor iyo xero isku biimee! Ma cirkaa soo dumaya. Rag iyo dumar weligoodba waa la isku ogaaye, maxaa ka micne ah. Laakiin sug! Markaad dhoocishaas baabuurka u joojisid, hadday ku raacdo waxba ma aha; laakiin hadday kugu jeestayso, dadkuna kugu wada qoslo, sow fadeexad weyn ma aha? Waa fool xumo. I iihi. Allaylehe isaga tag, Ilaah baa wax ku siiyee. Laakiinse qof laga tagi karo miyaa? Oo kaalay, maa iska daba gashid inta ay buuqa ka gudbayso, ee meel mugdi ah gaarayso. Laakiinse yaa og inay gaarayso? Hadda waa tan hor maraysa Kafee Nasunaale. Hadday isgoyska la leexato, rajo ma leh. Midig iyo bidix kii ay u bayrtaaba waa buuq hor leh. Laakiinse hadday tooskeeda u socoto way wanaagsan tahay. Mar hadday iridka weyn ee Hoteel Curuuba ka gudubto, dadka iyo iftiinkuba way yaraanayaan. Halkaasaad uga daba tagaysaa. Nasiib haddaad leedahay horteeda uun ha u socoto."
ČTEŠ
Maana-Faay
BeletrieNovel ama sheeko af Soomaali ku qoran, oo aad u xiiso badan. Waxaana qoray qoraaga weyn ee Maxamed Daahir Afrax.